Madaxwayne Siilaanyo oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay Geerida ku Timid Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay Geerida ku Timid Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere)
November 12, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaa uu tacsi u diray  qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka somaliland geerida ku timid Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahim (IbraahimDheere).

Halkan ka akhri tacsida Madaxwayne Siilaanyo.

12/11/2015

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa guud ahaan Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maalqabeen Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa tijaarta waa weyn ee laga yaqaano guud ahaan Geeska Afrikaba kuna geeriyooday Dalka Jamhuuriyada Jabuuti maanta 12.11.2015.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale Tacsi taasi la mida u dirayaa Xukuumada iyo Shacbiga reer Jabuuti isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay ruug cadaa ku xeel dheeraa arrimaha ganacsiga. Sidoo kalena dedaal dheeraada ka geystay Horumarinta Qaranka Somaliland gaar ahaan xaga Nabadgelyada, Arrimaha Bulshada, iyo kobaca dhaqaalaha.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, Ubadkii, Xaasaskii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS