Maanso Baroor Diiq U Ah Wariye (CAWKE). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maanso Baroor Diiq U Ah Wariye (CAWKE).
November 28, 2015 - Written by Wariye:

Axmedoow walaalkayoow indhahaa ilmeeyaye Imisaa nin magac lahaa xabaal lagu adkeeyey Imisaa nin maal lahaa aayar uun ka hoyday

Wixii ifka taagani maruun wuu idlaaniye

Aqallada danbeetiyo aakhiraan dhamaanine

Allaheena qaadirkii kaa aroori darka’e

Umaddaad cidleysaa ka ooyaysa uurka’e

Axmedoow walaalkayoow indhahaa ilmeeyaye

Imisaa nin magac lahaa xabaal lagu adkeeyey

Imisaa nin maal lahaa aayar uun ka hoyday

Abaal aad u gashay bay dadku kuu ilaawayn

Uur-samaantu waa heer insaanku gaadhee

Ixsaaniyo wanaag iyo erey daacadaa hadhee

Wallee adiga oo kale inaanu heli mooyee

Amar Eebbe weeyoo geeri lama ilaashee

Intaad uunka joogtey igaar kaama cabanine

Nin ku arkay maalin ammaan kaama xistiyee

Alleheena waaxidii kuu iftiimi iilkee

Anbiyadii wacnaydiyo laguu gee asxaabtii

Jannadii udgoonayd aqal weyn lagaa sii

inagana samir iyo iimaan laynaga sii

COMMENTS
LINKS