|
|||||
WAJAALE NEWS
Ismaandhaaf U Dhaxeeya Dadweynaha Xaafadda Cayngal Ee 26juun Iyo Shirkadda Telesom Oo Tower Ka Dhisaysa.
November 30, 2015 - Written by Editor:Ismaan dhaaf xoogan ayaa ka dhex jira dadweynaha degan xaafadda Cayngal Hargeysa ee degmada 26-ka June iyo shirkadda Telesom ka dib markii ay shirkadu bilawday inay halkaasi ka dhisto Tower isgaadhsiineed oo cusub, balse ay dadweynuhu cabasho kala horyimaadeen. Halkan ay Shirkada Telesom Doonayso In Towerka ka Dhisto Waxaa ku Hareeraysan Iskuul Ay Dhigaan 2oooKun Oo Arday Iyo Guryo Ay Xaafado Degan Yihiin Caafimaadkooda yaa kamasuul ah?!!mid kamida Odoyaasha Xaafada. HARGAYSA(Wajaalenews) Waxaa maalmahan khilaaf xoogani ka dhextaagnaa dadwaynaha degan xaafada caygal oo kamida degmada 26juun ee magaalada hargaysa iyo shirada Telesom oo iyadu Doonaysa in ay TOWER Ka dhextaagto gudhada xaafadan sida ay u sheegeen shabakadan wararka ee wajaalenews qaar kamaida dadweynahaas ayaa ku dooday in shirkadu ka dhegaysan weyday cabasho ay u gudbiyeen. “Shirkadda Telesom markii aanu cabasho ula tagnay waxay noo sheegeen in aanay noo joojinayn, isla markaana ay xoog ku dhisan doonaan haddii dadweynuhu is-hortaagaan”hadana ay ku dhisayaan xoogii oo ciidan ilaalinayo, Sidaa waxa yidhi (Mahad oo ka mid ah dadweynaha xaafadda Cayngal ee magaalada Hargeysa ee degmada 26 June. waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. “Meesha ay shirkadu doonayso inay ka dhisto tower-ka waxa weeye meel afar mitir ah oo guryo dhexdood ah kuna hareeraysan yihiin guryo badan oo ay dad qoysas ahi degen yihiin sidaa darteedna aanay suura gal ahayn in tower laga taagaa goobtan hadii caafimaadka bulshada laga talinayo”. sidoo kale waxa ku hareeraysan Iskuul iyo Madarasad ay Dhigtaan Dhawr kun oo caruurta xaafada ah. Odayaal ka tirsan xaafaddani ayaa saaka waxay tageen wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay cabasho ugidbiyeen ay arrintani kaga cabanayaan, taasi oo ay kulan la yeesheen wasiirkuxigeenka abniga oo ay gudbiyeen cabashadooda. sida ay noo xaqiijiyeen ilo xogogaal ah masuuliyiinta wasarada arimaha gudaha ayaa u sheegay in ay shirkada u yedhi doonaan islamarkaana odoyaasha faray in aanay qadan wax talaabo ah qaadin nabadgalyada ilaliyaan. odayaasha xaafada cayngalka ayaa iyagu hore cabasho tan lamida hore u gudbiyay maxkamada gobolka taasi sida ay sheegeen usoo jeedisay in dacwad furtaan balse aanay waxba ka qaban karay dhisamahan ay shirkadu xooga kuwado Dhanka kale masuuliyiinta shirakada Telesom oo aanu isku daynay in aanu la xiidhiidhno ayaanay oo suurto galin aanu helno, tower-rada ay shirkadaha isgaadhsiintu ka taagaan xaafadaha ayaa la sheegay inay saamayn caafimaad ku yeelan karaan dadweynaha, balse shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ayaa iyagu meel walba ka taaga toweradooda, isla markaana ma jirto wax shuruuc ah oo arrintani ka hadlaysa saamaynta ay ku yeelan karaan caafimaadka Bulshada. sida la ogyahay dunida oo dhan waxa hab lagaga hortago inay dhibaato dadweynaha ka soo gaadho towerada, balse SOmaliland shirkaduhu waxay ka dhisaan meel kasta waxaana jira cabashooyin isa soo taraya oo ay dadweynuhu kaga cabanayaan.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|