Iska Hor Imaad Dhaawac iyo Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Iska Hor Imaad Dhaawac iyo Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo.
November 14, 2015 - Written by Wariye:
Hardline Somali Islamist militants take position during a stand-off between them and government forces north of Mogadishu July 21, 2009. Intense fighting is making it increasingly difficult to deliver aid to Somalia, where it is crucial to combat cholera outbreaks and maintain food supplies, U.N. agencies said on Tuesday. REUTERS/Omar Faruk (SOMALIA CONFLICT POLITICS)

Gaalkacyo(Wajaalenews)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka bilowday dagaal u dhexeeya laba dhinac, kaas oo illaa haatan inta lasooo wariyay uu ku geeriyooday hal ruux.

Dhawaaca laba askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa sidoo kale lasoo warinayaa.

Warku waxa uu intaas ku darayaa, in Maleeshiyo beeleed ay weerar kusoo qaaday geerash ku yaalla Agagaarka Iskuulka Yamyska ee magaalada Gaalkacyo, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in Maleeshiyada weerarka soo qaaday ay horay u qabsadeen Geerashkaasi balse ciidamada Maamulka Puntland ay markii danbe ka saareen.

Illaa haatan, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan.

Ugu danbeyntii, rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale goobta gaadhay sida wararku nagu soo gaadhayaan Maamulka Gobolka iyo ka degmada Gaalkacyo.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS