|
|||||
WAJAALE NEWS
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geeridu Waa Xaq. Wariye Axmed Xasan Cawke in badan ayay dhagaha iyo qalbigu ku tabi doonaa
November 17, 2015 - Written by Wariye:Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geeridu Waa Xaq. Wariye Axmed Xasan Cawke in badan ayay dhagaha iyo qalbigu ku tabi doonaa Waxa xalay geeriyooday #Wariye_Ahmed_Hassan_Cawke oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Casimadda Ismaamulka Somalida Itoobiya. Axmed wuxuu ahaa foolaadka suxufiyiinta Somalida meel kasta o ay joogaan waxaanu ka soo hawl galay badi haayadaha warbaahineed ee afka Somaliga ku hadla. Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada. Meydka Marxuunka waxa loo soo qaaday dhankan iyo dhulkiisa hooyo ( Somaliland ) oo lagu aasi doono. Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo , Shacbiga afka somaliga ku hadla ee uu ka baxayna samir iyo iimaan rabbi haka siiyo. Related posts:Wasiirka Beeraha Somaliand Oo Ka Hadlay Ayax Lagu Arkay Dalka Iyo Digniinta Uu Udiray Dadka Beeralay... “Barnaamijka Shaqo Qaran Waxa Uu Ka Dhashay Hindisihii iyo Hal-abuurkii Madaxweynaha iyo Himilooyink... Wararkii Uu Danbeeyay Ee Weerar Dalka Iiraan Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Maraykanka Iyo Tirada Askar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|