Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geeridu Waa Xaq. Wariye Axmed Xasan Cawke in badan ayay dhagaha iyo qalbigu ku tabi doonaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geeridu Waa Xaq. Wariye Axmed Xasan Cawke in badan ayay dhagaha iyo qalbigu ku tabi doonaa
November 17, 2015 - Written by Wariye:

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geeridu Waa Xaq. Wariye Axmed Xasan Cawke in badan ayay dhagaha iyo qalbigu ku tabi doonaa

axmeddd

Waxa xalay geeriyooday ‪#‎Wariye_Ahmed_Hassan_Cawke‬ oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Casimadda Ismaamulka Somalida Itoobiya.

Axmed wuxuu ahaa foolaadka suxufiyiinta Somalida meel kasta o ay joogaan waxaanu ka soo hawl galay badi haayadaha warbaahineed ee afka Somaliga ku hadla.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.
Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii Soomaaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya.
Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC 1996 . wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA , Telifishanka Universal , HCTV , iyo Telifishnka Somaliland National TV .
Axmed Xasan Cawke waxaa la geynayaa Maydkiisa Magaalada Hargeysa oo lagu aasi doono.

Meydka Marxuunka waxa loo soo qaaday dhankan iyo dhulkiisa hooyo ( Somaliland ) oo lagu aasi doono. Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo , Shacbiga afka somaliga ku hadla ee uu ka baxayna samir iyo iimaan rabbi haka siiyo.

cawke

COMMENTS
LINKS