|
|||||
WAJAALE NEWS
Horta Wasiirada Somaliland Iyo Baarlamanka Soomaaliya Iyamaa Badan?
November 29, 2015 - Written by Wariye:Jaw!waxaagu waa habaare.Waar wasiiradeeno waa dhow iyo konton qudha .Lixdan ma gaadhaan xataa. dhalin weeye magaallo. dhaqankoodu mid maaha . Dhaliil la iskama qaato . DHafoor taabasho weeye . Dhibtana la iskuma eego. daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto. Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee . Kaalayoo bal dhegayso. Dhaqane:Waar kaalay horta wasiirada Somaliland iyo baarlamanka Soomaaliya iyamaa badan? Dhaashane:Jaw!waxaagu waa habaare.Waar wasiiradeeno waa dhow iyo konton qudha .Lixdan ma gaadhaan xataa. Dhaqane:Oo maxay ka yaryiin markaa baarlamanka Soomaaliya?Wasiirada shiinaha iyo kuwa jabaanka oo la isku daray baan intaa ahayne.Waar yeelkeedee ma daawanaysay sidii Ex wasiir Xirsi iyo kooxdiisii Burco loogu soo dhaweeyey?Xisbigii Lumiye iyo ninkii duco maqaate meeshaa waxba uma yaalaan. Dhaashane:Waar waxaa naga daayoo waxaad nooga warantaa mujaahidkii pro.Abdisalaan yaasiin sowkan kaga hilaaciyey Waddani.Xaalku waa :Wixii hore quba sow maaha? Dhaqane:Oo ninkii dublamaasi Cirro miyaanad dhegaysan? Dhaashane:Waar wuu i dhaafee muxuu yidhi? Dhaqane:Dee wuxuu yidhi:Almiidaan waasac.Hadaa ma sidii Ina biixuu iga reebay daa guraa? Dhaashane:Waar heedhe ,horta ayaamahan waxaaba Kulmiye iyo Waddaniba ka daray xisbigii Ucid .Inaader kan Faysal horta ma xaga maskaxdaa? Dhaqane:Ala yaa Abdikariim axmed mooge uga qaada?Horta se ninkii Jamaal ma yaraysan mar haduu yidhi:Anaga madaxtooyada nalooga yeedhin maayo cida musharaxa noo noqonaysa.Dee waa runtii. Dhaashane:Waar heedhe ma is tidhi kan boqor buur madow iyo suldaan xiiray wax bay isku ogyihiin?Kulahaa siyaasiyiinti way fashilmeenoo anagaa ka fariidsan. Dhaqane:Malaa dhiig kar buu idin qaadsiiyey?Sug an heestii aa ku degi jirteen kuu saaree. Dalkeena nimcaa fadhidaa Dalkeena nimcaa fadhida Saliid dhoocaarta iyo Dhaga macdantaa ku badan Haduu baashe moorgan helo Bilaadkii carabta iyo Bayruud baa la gaynayaa Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye Sweden Baxnaan X. Aadan <haaheey@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|