Haweenayda Caanka Ah Ee Wariyaha Iyo Qoraaga Ah Ee Mary Harper, Oo Booqatay Xabaashii Marxuum Axmed Xasan Cawke, Kanna Warantay Xuusuusteedi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haweenayda Caanka Ah Ee Wariyaha Iyo Qoraaga Ah Ee Mary Harper, Oo Booqatay Xabaashii Marxuum Axmed Xasan Cawke, Kanna Warantay Xuusuusteedi
November 24, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa-(W.N)- Haweenayda Wariyaha iyo qoraaga ah ee caanka ah ee ka hawlgasha Idaacadda BBC-da, Mary Harper, ayaa booqatay xabaasha Allah ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cawke, oo ahaa wariye weyn oo caan ah oo ay muddo soo wadashaqayn jireen oo ay u haysay kalsooni iyo ixtiraam weyn oo ku wajahan shakhsiyadiisii iyo aqoontiisii warbaahinneed ee u gaarka ahayd ee aanay cidi la wadaagin ee uu ku kasbaday muddadii ay soo wada shaqaynayeen, taasina ay tahay sababta ay u soo gashay safarkan dheer ee ay ku doonaysay in ay soo eegto qabriga marxuumka, lana kulanto qoyskiisii.
CAWKE KOW(1)

Wariye, Mary Harper oo ka soo degtay dalka Ethiopia, ayaa si toos ah gaadhi uggu timmi xabaasha Marxuum Axmed Xasan Cawke, oo lagu aasay magaalada Togwajaale, ee ku taalla xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia,
Mary Harper, oo hotelka Maansoor ugu warantay wargeyska Waaheen markii ay ka soo gashay safarkeeda ayaa tidhi “Waxaan Tacsi u dirayaa qoyskii, Qaraabadii iyo saaxiibadiisa iyo qof kasta oo yaqaanay oo dhan waxaanay ahayd geeri dareen leh oo taabatay qof kasta oo yaqaanay wayo dad badan baa yaqaanay, gaar ahaan anigu markii aan maqlay geeridiisa waxay noqotay inaan booqdo xabaashiisa una mahadnaqao. Waxaan ka soo duulay London, waxaan ka soo dagay Addis aba, waxaan imid Jigjiga, waayo mar hore oo aan imi Jigjiga isagaa I qaabilay, waxaan tagay hoteelkii waxaan usoo kicitimay wajaale, waxaan dul istaagay qabrigiisa waanan usoo duceeyey.
ucid

IMG_0064
Laba shay baan ka odhan cawke, marka koowaad codkiisii waxa uu ahaa mid Dahabi ah, way fiican tahay inaan huteelkan Maansoor ka idhaahdo waayo markii iigu danbaysay anigoo makshinkayga fadhiya ayaan dibeda ka maqlay codkiisa, waxaan markiiba idhi codkaasi waa codkii cawke, waan soo dagaagay markii aan albaabka soo gaadhay waxa iga soo hor baxay Cawke waayo codkiiu gaar buu ahaa.

Ta labaad cawke wuxuu ahaa ni ay dadku isugu mid yihiin, waan ogaa Cawke in uu ka yimi Somaliland, qabrigiisa markaan tagayna wuxuu ku yaalay dhinac Itoobiya, markaan helay wararka xabaashiisana waxaan ogaaday inay dad badani yimaadeen oo masuuliyiin ku jiraan, waxa jirta siyaasiyiinta iyo dadku inay kala qaybsan yihiin, laakiin cawke cid walba saaxiib buu la ahaa.

Qoyskiisa aqoon badan baanu isku lahay, Aniga sharaf weyn bay ii ahayd inaan is naqaanay, waanan u ducaynayaa in uu ilaahay cafiyo” ayey tidhi

Mary Harper waa Tafatiraha Afrika ee BBC-da qaybta Africa, waana qoraa caan ah oo arrimaha Somalida wax badan ka diyaarisay.

COMMENTS
LINKS