DOOD KA DHALATAY AMMAANTII XILDHIBAAN OBAMA U JEEDIYAY WASIIR SAMSAM, KHARASHKII AY KA CAAWISAY IYO WASAARADDAHA KARBAASHKU KU DHACAY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DOOD KA DHALATAY AMMAANTII XILDHIBAAN OBAMA U JEEDIYAY WASIIR SAMSAM, KHARASHKII AY KA CAAWISAY IYO WASAARADDAHA KARBAASHKU KU DHACAY
November 26, 2015 - Written by Editor:

UU
Hargeysa (Wajaale.News): – Guddoomiyaha Guddida Illaalinta Qaranka Iyo dabagalka Musuq Maasuqa ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa shalay si weyn ugu amaanay wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan meel ilyartu isqabatay oo ay ku soo bandhigeen musuq maasuq iyo hanti lunsi ay ku kaceen Hay’addo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Dadkii xaflaasi joogay shalay ayaa mar qudha iswada eegay markii uu Xildhibaan Obama sheegay in hawlgalkan kharashkii ku baxay ay ka caawisay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ku dhex sugnayd xafladaasi,waxaanay dadku wax iska waydiiyeen xidhiidhka wada shaqayneed ee dhex maray Guddidan iyo Wasaaradda maaliyadda,iyo sida bandhigaasi loogu Karbaashay qaar ka tirsan wasaaradaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay Guddidaasi ku soo bandhigeen sida ay ugu tagri faleen Hantidii iyo miisaaniyadii loogu talo galay inay ku hawlgalaan iyagoo farta ku fiiqay inay miisaaniyadaasi qofka ugu sareeya iyo xafiisyadooda Hargeysa aanay dhaafin oo aanay sidii la rabay u isticmaalin gaadhina gobolada dalku.
Xildhibaan Obama oo gudoomiye u ah Guddidan Golaha wakiilada ayaa amaan u soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,islamarkaana uga mahadnaqay kharashkii ay ku kaalmaysay ee ay hawshaasi ku soo qabteen, waxa kale oo uu sheegay in haddii uu in uun wax ka sheegi lahaa wasaaradda Maaliyadda uu ka cabsi qabo inay Marwo Samsam Xanaaqdo iyadoo dadkii xaflada joogay aanay si fiican uwada fahmin ujeedada uu hadalkaasi ka lahaa Xildhibaan Obama, waxa uu isagoo arintaasi ka hadlaya uu yidhi “haddii aan ka hadlo oo aan wasaaradda maaliyada wax ka sheego Wasaaradiina way joogtaaye,waxbaan ka cabsi qabaa,maanta waan ka aamusayaa oo waan iska dhaafaaa Marwo Samsam”.
Arintaasi ayaa dareen hor leh ka dhex dhalisay Dadkii Xafladaasi ku dhex sugnaa waxaanay ka doodeen ujeedada hadalkaasi iyo odhaahyadaasi xambaarsanaayeen, waxa ay wax iska waydiiyeen oo ay ku dul istaageen odhaahda uu Gudoomiyaha Gudidaasi wax kaga sheegay wasaaraddaha qaar, islamarkaana uu uga qaleeyay Wasaaradda maaliyadda isagoo xagga sarena ku soo sheegay inay Wasiiradda Maaliyaddu ka caawisay kharashkii ay barnaamijkaasi ku soo ururiyeen ee ay sida qayaxan ugu soo jeediyeen dhawr wasaaraddoo ka tirsan Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay ugu horrayso wasaaradda Warfaafinta oo ay weheliyaan Wasaaradaha Macdanta iyo Boosuhu.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan Oo Hadal laga siiyay Xafladaasi Shalay guddidani ku soo bandhigtay Musuq Maasuqa Xadhkaha Goostay ee ay wasaaraddaha Qaar u soo jeediyeen ayaa waxay Marwo Samsam kaga jawaabtay Kalmadihii Xildhibaan Obama ka soo yeedhay ee uu ku sheegay inuu doorkan ka qalaynayo Wasaaradda Maaliyada ee aanu waxba ka sheegay ayaa waxa ay tidhi“ Madaama oo ay shaqadiina tahay Illaalinta Hantida Qaranka Iyo Dabagalka Musuq Maasuqa, Buuro kasta soo rida, waayo danteena ayaa ku jirtaa inaan is toosino oo aan wax isku sheegno”.
Waa markii u horaysay ee Wasaaradda Maaliyaddu maalgalisay Guddida soo foqay ceebaha iyo Musuq maasuqa Xukuumadda talada haysa,waxaana la eegi doonaa saamaynta iyo dooda qudheeda ay arintani ka dhex dhaliso Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

COMMENTS
LINKS