Dareenka Xukuumadda Ee In Saylici Haysto Kalsoonida Aqlabiyadda Reer Awdal Iyo Codadka KULMIYE Uga Keeni Karo Doorashada Soo Socota 2017-ka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dareenka Xukuumadda Ee In Saylici Haysto Kalsoonida Aqlabiyadda Reer Awdal Iyo Codadka KULMIYE Uga Keeni Karo Doorashada Soo Socota 2017-ka.
November 25, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa difaacday kalsoonida lagu qabo in Musharraxa Madaxwayne ku-xgeenka ee Xisbiga KULMIYE, ahna Madaxweyne ku-xigeenka ee xilka haya Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) uu cod ka badan kii sanadkii 2010-ka uu ka helay AWDAL oo ka keeni karo doorashada 2017-ka.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo lagu Wareystay Barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee Telefiishanka Universal, ayaa la waydiiyey in Cabdiraxmaan Saylici uu kalsooni ka haysto Shacabka reer Awdal ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaanu ku jawaabay, “Taa waxa Kaaga Markhaatiya tan iyo markii Musharraxnimada loo doortay sida looga taageerayo tuulo kasta oo gobolka Awdal ka mid ah, taageeradiisuna si is-deba joog ah ayay uga socotaa Telefiishanka Qaranka iyo kuwo kaleba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Haddii Saylici doorashadii hore codkiisu ahaa 19000 kun sababtu waxay ahayd 2010-kii waxa Madaxweyne dalka ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin oo dadku isaga ay door-bidayeen oo ay u ololeynayeen Suldaanka Saylici iyo ehelkiisuba. Laakiin reer Awdal maanta isagaa u taagan oo cid kale oo Mansabkaa uga sareysaa ma jirto.”

Wasiir Xaamud oo difaacaya kalsoonida uu sheegay in shacabka reer Awdal ku qabaan Saylici, ayaa hadalkiisa raaciyey, “Waxa kale oo Daliil u ah 56 cod ee reer Awdal ku leeyihiin Golaha dhexe ee KULMIYE 52 baa isaga ku daba faylay oo u codeeyay waxaana ka leexday oo kaliya 4 xubnood.”

COMMENTS
LINKS