Danjire Nicols Key Oo Ka Hadlay Dagaalada Ka Dhacay Gaalkacayo, Kuna Baaqay In Amniga La Ilaaliyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Danjire Nicols Key Oo Ka Hadlay Dagaalada Ka Dhacay Gaalkacayo, Kuna Baaqay In Amniga La Ilaaliyo.
November 29, 2015 - Written by Wariye:

Danjire Nicols Key Oo Ka Hadlay Dagaalada Ka Dhacay Gaalkacayo, Kuna Baaqay In Amniga La Ilaaliyo

Ergeyga QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ka hadlay dagaalladii Gaalkacyo ka dhacay, isagoo sheegay in inuu walaac xoogan ka qabo colaadda magaalada Gaalkacyo ka socota.

Danjire Nicholas Kay ayaa xusay inuu ka xun yahay dagaalkaas iyo dadka rayidka ah ee ka barakacay guryahooda, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka oo uu sheegay inaan laga dhaxlin wax aan dhimasho iyo dhaawac ahayn.

Sidoo kale, Nick Kay ayaa xusay inay dambi tahay in hub culus loo adeegsanayo goobaha bulshada reer Gaalkacyo ay taasi noqon karto dambi dagaal, isla markaana cadaalad lala tiigsan doono kuwa ka dambeeya.

“Madaafiicda loo adeegsado goobaha dadku ku nool yihiin waa dambi dagaal, maxkamad ayaana lala tiigsanayaa kuwa ka dambeeya,”

ayuu yiri danjire Nicholas Kay oo intaas ku daray. “Labada dhinac waxaan ugu baaqayaa inay si deg-deg ah dagaalka u joojiyaan.”

Dhanka kale, ergayga QM wuxuu madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ugu baaqay inay dagaalka soo af-jaraan colaadda Gaalkacyo, ayna qayb weyn ka qaataan dadaalka lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo.
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS