|
|||||
WAJAALE NEWS
Dadwaynaha Degmada Allaybaday Oo Ka Gadooday Tacadi Ay Ciidanka Qarka Shishe Ee Itoobiya Kula Kaceen Nin Ganacsade Ah Iyo Khasaaraha ka Dhashay .
November 1, 2015 - Written by Editor:ALLAYBADAY(Wajaalenews) Dadwaynaha ku dhaqan degmada Allaybaday ayaa dareen cadhale kaga jawaabay dhacdo foolxun oo ciidamada itoobiya ee dhinaca xuduudu u gaystay muwaadin reer Allaybadaya kaasi oo ah ganacsade ismarkaana xiligan ay ciidamad deegaanka somalidu garaacista iyo jidh dilka u gaysteen ka shaqaynayay arooska nin ay qaraaba yhiin oo ka dhacay daanta deegaanka Itoobiya Wararka aanu ka helayno degmada Allaybada ayaa noo xajiiyay dhacdadaa ciidanka deegaanka somalidu ugaysteen muwaadin Cabdi Da,uud oo xiligan xaaladiisa caafimaad lagu dawaynayo cistibaalka ALLAYBADAY ayaa sida dad goobta ku sugnaa u xaqiijiyen shabakada wararka Ee wajaalenews.net waxaa dadwayne gadoodsani gabi ahaanba galalafen KAANTAROOLKII IYO XAFIISYO AY DHINACA QARKA SHISHE KU LAHAAYEEN CIIDAMADA DEEGANKA SOMALIDA ITOOBIYA IYAGOO GUUD AHAANBA AY BURBURIYEEN WIXII AGABYAALAY HALKA CIIDAMADUNA U ADEEGSANAYEEN XABAD NOOL INKASTA OO AAN LA SHEEGIN CID WAX KU NOQOTAY SHAQAAQADAASI Dhanka kale bulshada deegaanka Allaybaday ayaa mudooyinkii udanbeeyay xoog uga cabanayay tacadi ay ku hayaan bulshada reer allaybaday CIIDAMADA UU HOGAANKA KAHAY TALIYE CABDI HAYBE OO bulshada deegaan kaasi ku tilmaameen mid ayka muuqato cadaawad ismarkaana xili walba dadka deegaanka kusoo roga lacago ganaaxa oo Aanay qaadi karin dadka xoola dhaqatada ahi cidii bixin waydana ay garaacis Iyo xadhig u gaystaan ciidamada Itoobiya ee uu xukumo taliye Cabdi Haybe kaasi oo gabi ahaana hoos u dhigay isku socodkii labada bulsho ee deegaanka Etoobiya iyo somaliland. Sidoo kale waxaa caawa gurmad ahaan utagay degmada allaybaday badhasaab kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali Case iyo taliyaha qaybta ee cidanka booliska kuwaasi oo la filayo in ay qayb qaataan dajinta xaalada dadwaynaha reer allaybaday . Dhanka kale waxaa iyana goobta soo gaadhay masuuliyiinka ka socda Dawlada Itobiya kuwaasi iyana qayb ka ah sidii xal looga gaadhi lahaa iska hor imaadka bulshada iyo ciidamada oo hadaan talaabo laga qaadin sobabi karta xaalado qalafsan.
WAJAALENEWS DESK GABILEY OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|