|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;Xildhibaan Siciid Cali Rooble Oo Ku Baaqay In La Musaafuriyo Qunsulka Turkiga Ufadhiya Somaliland, Madaxwayne Siilaanyona Usoo Jeediyay Inuu Iscasilo,Muxuuse Labada Gole Iyo Shacab Ka Dalbaday.
November 23, 2015 - Written by Editor:“Hadii Dalka laga dayn waayo qashqashaada, hadii dawladuhu faro galinta ka dayn waayaan, Waxaanu u sheegaynaa IGAD iyo dawladaha shisheeye gaar ahaan Dawlada Ingiriiska in nabadi ay ka dheeraan doonto geeska Afrika” Hargeysa (Wajaalenews)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa si adag uga hadlay faro galin uu sheegay in dawlada Turkigu ku hayso Somaliland taasi oo ay kaga soo horjeedo madaxbanaanida Somaliland. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaa uu sheegay in aanay dawlada Turkigu Daacad ka ahayn wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya isagoo xusay in dawlada Turkigu ay baabiinayso haykalka dawladnimo Somaliland maadaama buu yidhi ay burburisay Xukuumada imikana ay ku talo jirto sidii ay u baabiin lahayd golayaasha qaranka. Xildhibaanku waxaa kale oo uu ka hadlay waji cusub oo dawlada Turkigu u samaysay wadahadaladii u dhaxeeyay Xukuumadaha Somaliland iyo Somaliya isagoo sheegay in dawladaasi ay wado qorshe wadahadaladaasi labada dal lagaga dhigayo inay wada hadlaan laba qabiil islamarkaana go’aamada kasoo baxa lagu baabiiyo jiritaan qaranimada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi “Maanta waxaa la taaganyahay in salaadiin layna dul dajiyo, awoodiibaa xukuumadii iyo dawladii laga qaaday, golayaashiibaa laga qaadayaa, dabadeedna waxaa la doonayaa inay laba qabiil wada hadlaan inaga (Isaaq) iy Hawiye oo meel lawada fadhiisto, go’aamada kasoo baxana waxaa la doonayaa inay noqdaan go’aamo sharciya oo buriya jiritaankeenii, mustaqbalkeenii, cidhibteenii dhamaantood inay noqdaan kuwii burin lahaa ayaa loogu talo galay inay noqdaan. https://youtu.be/dXokALBRVPI Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intaasi ku ladhay“Anigu Shakhsiyan waxaa taageeraa oo aan doonayaa inaan xisbigayga ku raarido inaanu nahay xisbigii dadka jilisan, waxaan u hadlayaa dadka, dadkaasi waa Kuwee? Maaha kuwan iimaanka laga qaaday, waa kuwa iimaanka qaba ee danyarta ah ee Hilibkii 8kun ku marayo ee aamusan, ee sugaya dawlad, ee sugaya dad daacada iyo madax wanaagsan. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaa uu fariimo u diray dawladaha farogalinta ku haya qaranimada Somaliland isagoo ugu hanjabay hadii ay dawladahaasi farogalinta kala bixi waayaan qadiyada Somaliland ay la kulmi doonaan cawaaqib abuurta in amaan daro ay ka dhacdo mandaqada Geeska Afrika, Isagoo arimaha ka hadlayana waxaa uu yidh”Nimankii qurbajooga ahaa waxaan leeyahay min maraykan ilaa japan hadaad joogtaan safaarada kasta oo Turkiya waa inoo sidaa, Aduunyadana midbaan u sheegayaa, dalka tiradiisu Afar Milion weeyi, shalaytana waxaanu ahayn 1 milion dadka badi waddankani waa intii dhalatay 1991kii, Dalkan miidaamo ayaanu ku qabsanay, Miidaamo ayaanu ahayn markii aanu dalkan qabsanay ee dawladii xooga ahayd jabinay ee ILAAHAY na kaaliyay waxaanu ahayn tiro yar, maantana waa Afar Milion, Hadii Dalka laga dayn waayo qashqashaada, hadii dawladuhu faro galinta ka dayn waayaan, Waxaanu u sheegaynaa IGAD iyo dawladaha shisheeye gaar ahaan Dawlada Ingiriiska in nabadi ay ka dheeraan doonto geeska Afrika.” Maalmihii u dambeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in wadahadaladii u dhaxeeyay xukuumadaha Somaliland iyo somaliya lagu wareejinayo Madaxdhaqameed kasoo kala jeeda labada Dalka. qorshahan oo ay dabada ka riixayso dawlada Turkiga oo marar hore Xisbiyada Mucaaridka Somaliland sheegeen inaanay daacad ka ahayn dhexdhexaadintaasi.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|