DAAWO;Xaflad Ay Soo Agaasimeen Qaarkamida Dhalinyarada Degmooyinka Hargeysa Oo Lagu Taageeray Muusharrixiinta Madaxweyne Iyo Ku-Xigeen Ee Xisbiga KULMIYE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Xaflad Ay Soo Agaasimeen Qaarkamida Dhalinyarada Degmooyinka Hargeysa Oo Lagu Taageeray Muusharrixiinta Madaxweyne Iyo Ku-Xigeen Ee Xisbiga KULMIYE
November 28, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) Munaasibad balaadhan oo ay soo agaasimeen Qaarkamida  dhalinyarada laamaha kala duwan ee degmooyinka caasimada Hargeysa, isla markaasina taageero loogu muujinayay musharrixiinta madaxweyne iyo ku-xigeen ee xisbul-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Seylici ayaa habeenkii Xalay ahaa waxay ka dhacday hotel Green Plaza ee magaaladda Hargeysa.

 Munaasibadan ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiinta xisbiga oo ay kamid ahaayeen, guddoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye, Maareeyaha xafiiska samafalka iyo dhalinyaradii soo qabanqaabisay xaflada, kuwaasi oo dhammaantood ka jeediyay madashaasi hadalo ay ku taageersan yihiin labada masuul ee xisbiga Kulmiye dhawaan u doortay musharrixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee xisbul-xaakimka ugu taagan doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoomi doonta 2017-ka.

https://youtu.be/BTxUIl0oRUI

 

COMMENTS
LINKS