DAAWO;Rooda Axmed Yaasiin Oo Ka Hadashay Socdaalka Madaxweynaha Ee Berbera iyo Dhaxal Wareejinta Dekedda+ Doorka Muuse Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Rooda Axmed Yaasiin Oo Ka Hadashay Socdaalka Madaxweynaha Ee Berbera iyo Dhaxal Wareejinta Dekedda+ Doorka Muuse Biixi.
November 19, 2015 - Written by Editor:

Berbera(Wajaalenews) Rooda Axmed Yaasiin, guddoomiyaha gobolka Saaxil ee xisbiga Ucid, ayaa ka digtay qorshaha lagu wareejinayo dekedda Berbera. Waxay sidoo kale naqdiday safarka madaxweyne Siilaanyo ku tagay Berbera, iyadoo ugu baaqday inuu wax ka bedelo qorshaha uu ku wareejinayo dekedda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa  socdaal ku tagayo Berbera, balse faahfaahin lagama bixin socdaalkiisa, waxaana lagu tirinayaa inay la xidhiidho qorshaha muddada soo socday ee xukumadda ku wareejinayso dekedda Berbera oo la filayo in shirkad Imaaraadka ah lagu wareejiyo.

Rooda Axmed Yaasiin, ayaa sidoo kale shirkeeda jaraa’id ku naqdiday guddoomiyaha Kulmiye, ahna musharaxa oo ay ku canaanatay inaanu boobka hantida umadda ka hadal, sidoo kalena waxay dhaliilo u jeedisay safiirka madaxweyne Siilaanyo dhawaan u igmaday wadanka Imaaraadka.

COMMENTS
LINKS