|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO:Guddoomiye Cirro oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyey Kana Hadlay Khilaafka Kulmiye iyo Wasiiraddi Dhawaan Iscasilay
November 6, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews):-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si ballaadhan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ka dib safar shaqo oo uu muddooyinkii ugu maqnaa dalka dibaddiisa, waxaana uu ka hadlay xaaladda dalka, khilaafka muddooyinkii dambe ka taagna xisbiga Kulmiye iyo wasiiraddii dhawaan iska casilay xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo. Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo afaafka hore ee madaarka ay ku soo dhaweeyeen boqolaal dadweyne ah, ayaa sheegay in khilaafka xisbiga Kulmiye uu khatar weyn ku yahay qaranka Somaliland isla mar ahaantaana saamayn xooggan uu ku yeelan karo xaaladda guud ee dalka, waxa sida oo kale uu fariin ku aadan xisbiga Waddani uu u diray dhammaanba shacabka Somaliland. https://youtu.be/y8jX4X8K-Kk
Related posts:DAAWO; Fanaaniinta Maxamed Bk Iyo Axmed Biif Oo Ka Heshiiyay Xufgurtii Hore u Dhexmaray Iyo Jawigii... War Deg Deg ah Marwo Khadra Xaaji Gaydh Oo Iska Casishay Xilkii Uu Dhawaan Madaxwayne Muuse Biixi Um... Badhasaabku xigeenka Gobolka Sanaag Oo Ka Hadlay Xaaladihii Ugu Danbeeyay Ee Magaalada Ceerigaabo, S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|