|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO; Wefti Somaliland Ah Oo Nairobi Ku Tagay Socdaal Qaramada Midoobay Agaasintay+ Mawqifka Somaliland Ee Dagaalka Gaalkacayo.
November 29, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Xukumadda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda dagaallada dhawaanahan ka dhacayay magaalada Gaalkacayo ee u dhexeeya maamulada Somalia ee Puntland iyo Galmudug, waxaanay ugu baaqday inay ilaaliyaan xasiloonida mandaqada wada hadalna lagu dhammeeyo khilaafka jira. Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland jeceshahay in mandaqada bariga Africa lagu wada noolaado nabad. Waxa uu sheegay in dawladda Somaliland danaynayso in wada hadal lagu dhammeeyo arrimaha u dhexeeya maamulada Somalia. https://youtu.be/wPeoKFvcLyQ Wasiirka arrimaha dibadda oo ay weheliyaan guddoomiyaha maxakamadda sare Aadan Xaaji Cali, wasiirka qorshaynta Cali Shoombe iyo wasiirka caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa u ambabaxay Nairobi, halkaasi oo ay sheegeen inay ku leeyihiin balamo ay agaasintay qaramada midoobay.
Related posts:Gabiley Oo Lagaga Dhawaaqay Gudida Dabagalka Ansixinta Gobolnimada Gabiley Iyo Fariinta Ay Udireen X... DAAWO: Xisbiga Wadani Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah U Qabtay Siyaasiyiin, Odayaal kasoo Diga Rogtay Xisbi... Wasiirka Cadaaladda jsl Oo kormeer Ku Tagay Xabsiyada Salaxlay & Bali Gubadle Iyo Sida Uu U Socda Ba... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|