|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO; Kalfadhiga Golaha Wakiillada Oo Furmay iyo Waxyaabaha Uu Kaga Duwanaa Kalfadhiyadii Hore
November 28, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) -Golaha wakiillada Somaliland ayaa kalfadhigiisa caadiga ah ee 29-aad u furmay kadib fasax goluhu ku maqnaa. Guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kulankaasi furay, waxaana mudaneyaasha loo qaybiyay ajande hawleedka golaha ee kalfadhigan, iyadoo loo balamay in fadhiga xiga lagaga doodi doono. Guddoomiyaha wakiillada Cabdiraxmaan Cirro oo ay hareero fadhiyaan labadiisa ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa guddoomiyay kulanka wuxuuna mudaneyaasha u sheegay inay soo akhristaan nuxurka ajandaha kalfadhiga. https://youtu.be/xgcN6l7HL8Y Waxaa xusid mudan in labada guddoomiye xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Yuusuf Axmed ka mid yihiin isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah Kulmiye ee saluugay shirweynihii shirka Kulmiye loogu cumaamaday Musharax Muuse Biixi iyo Musharax Cabdiraxmaan Saylici, waxaanay labadooduba ka soo xuubsiibteen Xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye oo ay muddo shan sanno ka badan daacad u soo ahaayeen. Waxaa la xasuustaa khilaafyo cakiran oo shirguddoonka soo gala dhexgalay iyagoo siyaasadaha xukumadda difaacaya.
Related posts:DAAWO; Murashax Cabdicasiis Samaale Oo Si Adag Uga Hadlay Arimaha Xisbiga kulmiye fariimo Culusna U ... halkan ka daawo gudoomiya xisbiga mucaaridka ah ee ucid oo ka hadashay xadhig magaalada berbera loog... GOBOLKA MARODIJEEX OO KU GUULAYSTAY KOOBKII GOBOLADDA SOMALILAND IYO GOBOLKA HAWD OO GALAY KAALINTA ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|