C/raxman Saylici Oo Ku Hungoobay Garabsigii Muuse Biixi iyo Xaglatoosiye Oo Shirar Hoose La Yeeshay Murashax Muuse+Muuqaalada Soo Baxay.Ee Shirka Bari. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
C/raxman Saylici Oo Ku Hungoobay Garabsigii Muuse Biixi iyo Xaglatoosiye Oo Shirar Hoose La Yeeshay Murashax Muuse+Muuqaalada Soo Baxay.Ee Shirka Bari.
November 9, 2015 - Written by Editor:

MA DHABAA IN CABDIRAXMAAN SAYLICI GARABKII ISBAHAYSIGA TELEPHONEKA KAQABAN LAAYA AY!!

HARGAYSA(Wajaalenews) Tan iyo xiligii la asteeyay shirka gollaha dhexe Ee xisbiga kulmiye, mawjado siyaasadeed   iyo damacyo is hirdinaya, ayaa waxay sii kululeeyeen xiisadii iyo xamaasadii shirka gollaha dhexe ee xisbiga kulmiye. Waxa bulshada iyo dareenka siyaasiyiinta mar qudha soo jiitay oo la wareegay saaxadii iyo madalihii lagu gorfayn jiray siyaasada tartanka madaxwayne ku xisgeenka xisbiga kulmiye markii wasiir Saleebaan Axmed Ciise ku dhawaaqay musharaxnimada madaxwayne ku xigeenka xisbiga kulmiye. Wasiir Saleebaan Ciise kaare (xaglo toosiye), ayaa saaxada tartanka ku soo galay, fir fircooni, soo jiidasho, isagoo sida duufaanta u jiidhay Cabdiraxmaan Saylici, taas oo war war badan galisay Madaxwayne ku xigeenkii cabdiraxman saylici, markii beesha bariga burco ay si buuxda u garab istaagtay Xaglo toosiye, isagoo inta badan beelaha maroodi jeexna soo dhaweeyeen musharxnimadiisa. Hadaba ilo wadareedyo u dhuundaloola, sida xaalada siyaasadeed u cakirantahay ayaa sheegaya in saylici  ku Hungoobay  xulafaysigii uu lalahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye kadib markii uu meel cidla ah kaga tagay. Mr. saylici ayaa la saftay garabka Muuse Biixi markii ay socotay duufaantii kala qaybisay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo khilaaf mudo badan soo jiitamayay u kala qaybiyay garabyo iska soo horjeeda taasi oo uu Mr. saylici ku waayay saaxiibo badan oo ay waqtiyada qaar isku aragti ahaayeen.

MUUSE IYO XAGLO

Wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi ka raacay saylici wasiirka caafimaadka Mr.Saleebaan xaglatoosiye oo haatan la sheegayo in taageerayaashiisu samada isku sii shareerayso iyada oo haatan Muuse Biixi Madaxweyne ku xigeen ka dhigtay Xaglatoosiye kana maarmay Saylici.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu Saylici marar badan isku dayay in uu xidhiidh lasameeyo saaxiibadiisii uu ka goostay kadibna ay telephoneka ka qaban laayihiin. Mr.Saylici ayaa noqonaya ninkii Adhiilaha ahaa ee Adhigiisu ku dhamaaday laba daruurood dhexdood maadaama aanu haatan ka tirsanayn labadii qaar ee xisbigiisu u kala jabay.

Dhanka kale gudomiye muuse biixi ayaa la sheegay in shir xasaasiya la yeeshay wasiir xaglatoosiye oo taageero ka helaya beesha madaxwayanaha wararka ayaa intaa ku daray in ay wada gaadheen muuse biixi iyo Dr xaglotoosiye heshiishyo rasmi ah.

Sidoo kale waxaa ilaa maanta dibada usoo baxay istiikaro ay kuwada xardhan yihiin murashixiinta madaxwayne iyo madaxwayne kuxigeen oo isku xigaan kuna xardhan yihiin MURASHAX MADAXWAYNE MUUSE BIIXI CABDI IYO DR SALEEBAAN CIISE XAGLOTOOSIYE.

COMMENTS
LINKS