Cali Khaliif Oo ku Hungoobay Taageero Uu ka Helo Dawlada Muqdisho Iyo Wasiir Sheegay Inaanay Dawlada Somaliya Diyaar u Aheyn Dhisida Maamulka Khaatumo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cali Khaliif Oo ku Hungoobay Taageero Uu ka Helo Dawlada Muqdisho Iyo Wasiir Sheegay Inaanay Dawlada Somaliya Diyaar u Aheyn Dhisida Maamulka Khaatumo.
November 23, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho (Wajaalenews)-Dawlada Somaliya ayaa cadeysay mawqifkeeda inay dhisto Maamulka Khaatumo ee sheegta Gobolada Beriga Somaliland ee uu horjoogaha ka yahay Nabad diid Cali Khaliif Galeydh.

Wasiirka Arimaha Gudaha dawlada Federaalka Somaliya ayaa sheegay inaanay wakhtigan dawlada Federaalka somaliya Qorshaha ugu jirin in la dhiso maamul goboleedyo laga sameeyo Gobolada Sool iyo Sanaag oo inta badan sheegto Maamulka Khaatumo Balse Ka Tirsan Jamhuuriyada Somaliland.

Wasiir Odawaa waxaa uu carabka ku adkeeyay in dawlada Somaliya wakhtigan ay taageerayso sidii loo taageeri lahaa Maamulada Somaliya ka Jira isagoo arimahan ka hadlaya waxaa uu yidhi

“ hadda khaatumo Somaliland iyo Puntland arrimaheeda ayaanu annagu kala hadalnaa, dad Somaliyeed oo is maamulaya wixii lala qaban karo in lala qabto dawlad federaal ahaan aaminadaasu way jirtaa, laakiin dee dawlad goboleed iyo dhismaheedu waxay u baahantahay faham kale oo intaas ka weyn.” Wasiir Odowaa oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu yidhi “Cali khaliif raysalwasaare hore ayuu ahaa in la qaabilanaa mar walba waa qasab, taasi dhibaato badan kuma jirto.”ayuu yidhi Wasiir Odawaa.

Hadalkan kasoo yeedhay wasiirka arimaha gudaha somaliya ayaa saameyn xoogan ku yaalanaya maamulka isku magacaaba Khaatumo ee uu hogaamiyo siyaasiga Dibada meerka ah ee Cali Khaliif Galaydh isagoo wakhtiyo horena ku celceliyay inuu balanqaad ka hayso dawlada somaliya oo la dhisayo Maamulka Khaatumo.

COMMENTS
LINKS