|
|||||
WAJAALE NEWS
Alle ha U Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday Dr.Cabdi Faarax Sareeye Oo Kamid Ahaa Dhakhaatiirta Waawayn Ee Dalka.
November 21, 2015 - Written by Editor:INAALILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN Hargeysa (Wajaalenews)-Illaahay naxariistii janno ha ugu deeqee Dr Cabdi Faarax Sareeyey oo ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee dalka Somaliland ayaa si kedis ah ugu geeriyooday cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Marxuum Dr.Cabdi Faarax Sareeye oo kamid ahaa dhakhaatiirta waawayn ee ka hawlgala Magaalada Hargaysa marxuumka ayaa sida Ay eheladiisu noo sheegeen u geeriyooday xanuun soo boodo ah oo sobobay geeridiisa Marxuumka ayaa maanta galinkii danbe lagu Aasay Xabaalaha xeedho ee duleedka magaalada hargaysa’ Dr.sareeyye oo kamid ahaa dhakhaatiirta waawayn ee ka hawlgala magaalada Hargeisa 20 kii sano ee u danbeeyay kana mid ahaa dhakhaatiirtii halgankii SNM kasoo shaqeeyay isagoo gargaar ufidin jiray mujaahidinta ku dhaawacma dagaaladii qadhaadhee ay xoogag SNM kula jireen kalidii taliyihii Siyaad Bare isaga oo marxuumku mudooyinkii u danbeeyay caan ku ahaa daawaynta xanuunka caruurta. waxa kale oo Xusid mudan in DR SAREEYE Dhakhaatiirka dalka kaga duwanaa ugargaarida danyarta kuna dadaali jiray in aanu bukaanka ku caqliyayna lacagta lagaga qado aragtida Digtoorka dad fara badan ayaa tan iyo geeridiisa soo gaadhsiinayay tacsi farabadan Oo ku socda qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay marxuumku 1.Sh.C/qaadir Cali Warsame Sh,jaabir 2.Boqor Muxumed Geele Seed
4 Eng Xuseen Cilmi
sidoo kale waxaa tacsi taa lamida udiraya qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday MARXUUM DR CABDI FAARAC SAREEYE BAHDA SHABAKA WARARKA EE WAJAALENEWS DHAMAAN MASUULIYIINTEEDA HAWLWADEENADA
Related posts:DAAWO; Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari "Hadaanu Nahay Reer Hargaysa Waanu Sii Wadaynaa Taageerada Aanu... Axmed Yuusuf Yasiin Oo Sheegay In Ay Saameyn Yeelatay Maqnaashihii Xisbiga Waddani Ee Caleemo Saarki... DAAWO;-Abwaan Xasan Dhuxul Oo Soo Bandhigay Maansooyin Uu Kaga Hadlayo Dhibaatooyinka Qabyaalada! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|