Afhayeenka Xisbiga Wadani Ee Gobolka Gabiley Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Kadalka Ka Soo Yeedhay Suldaan Xiiray Xukuumadana Ku Eedeeyay In Ay Iyadu Dabada ka Wado. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Xisbiga Wadani Ee Gobolka Gabiley Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Kadalka Ka Soo Yeedhay Suldaan Xiiray Xukuumadana Ku Eedeeyay In Ay Iyadu Dabada ka Wado.
November 27, 2015 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Afhayeenka Xisbiga Wadani Ee Gobolka Gabiley ahna murashax u taagan doorshada soo socota ee golaha wakiilada Eng Daa,uud Abiib Axmed   Ayaa si kulul u daadifeeyay hadalo ka soo Yeedhay qaarkamida madax dhaqameedka somaliland oo uu ku tilmaamay in ay xukuumadu dabada ka riixayso

End daa,uud o ka hadlaya Arimaasina wuxu yidhi; Waxaa maalmahii udanbaysa bulshada somaliland muran iyo jaho wareer galiyay hadal kasoo yeedhay Suldaan  Riixay Oo kamida madaxdhaqameedka somaliland runtii waxaan qabaa in   xukuumadu dhabarka soo taabatay iyadoo ku dhici waxay iyadu damacsan tahay

Qorshahan dawlada turkigu wado ee somaliland lagu waxyeelayno waxaanu bulshada u sheegaynaa in xukuumada siilaanyo raali ka tahay bulshadana la doonayo in la marin habaabiyo taasi maaha wax suurtoobaya waxaa wax la layaabo ah Suldaan Xiiray waa suldaan kii Wasiirka Arimaha gudaha hadii aanay dawladu raali ka ahayn maxaa talaabo looga qaadi waayay.

Turkigu Hagardaamada uu kuhayo umada somaliland waa mid xaqiiqa basle waxaa layaab leh  xubnaha dhaqaale doonka ah iyaga Waxaan leeyahay masiirka umadani maaha wax sidaa lagu qaldi karo ,shacabka somaliland way soo jeedaan cidkasta oo qaranimadooda kusoo duushana gacan bira ayay ku qaban

Suldaan xiiray waxaan Leeyahay ha noqon( Ushii Galaha Layskaga Dayayay)

Sidoo kale Eng Daa,uud ayaa xusay sedex sano ka hor maanta oo kale iyo sidii doorashadii golayaasha deegaanka loo boobay uu ku tilmaamay in ay ahayd xulasho balse aanay ahayd doorasho isagoo bulshada dib u xusuusiyay sidii loo boobay codadkiisii.

Waxaanse leeyahay doorashooyinka soo socdaa maka duwanaan doonaan doorashadii golayaasha deegaanka.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS