Abwaan Sacad OO GABAY BAROOR-DIIQ AhKA TIRIYAY GEERIDII , CAWKE : “Saxafigii Hoyday” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Sacad OO GABAY BAROOR-DIIQ AhKA TIRIYAY GEERIDII , CAWKE : “Saxafigii Hoyday”
November 23, 2015 - Written by Editor:

Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile wuxuu Gabaygan ugu baroor-diiqayaa geeridii ku timid suxufigii caanka ahaa ee Axmed Xasan cawke, 17/11/2015, magaaladda jigjiga. Wuxuu yidhi sidan:

Anoo saxin war aan salal ku kacay, subaxdi soo yeedhay

Sariirtaan ka taw idhi  hurdadi, seexan kari waayey

Safrad aan la toosiyo anoo, soorta dayi waayey

Warkoo sugan naloo sheeg inuu, saxafigii hoyday

Sadrigaan ka naxay iyo qalbiga saaxi noqon waayey

Iyo samada ciirada ku xidhan, saaka waxa jooga

Safar dheer wadada aan qabsaday, salafka aan daaray

Soohdintii wajaaliyo halkuu, sabi yaraan joogay

Sunsunkiyo gawaadhida cagtaa, socodka dayn weyday

Meydkoo la soo siday jigjiga, surin la eegaayey

Dad saloogan siigada kacdiyo, salawga yeedhaaya

Gidi suuradoodii wajiga, murugadaa saaran

Indhahaa saxaafiga ilmayn, hililiq sooyaalka

Xaq baa yimid Siciidow wadkaan, ruuxna seegayne

Had aan  saacad laga baaqsan karin, sababta loo raadsho

Uumiyaha sirtaa laga qarshaan, wada sugaynaaye

Salaadii janaasadda dadkaa, sacabka taagaaya

Allahayow adaa saatiree, sahal amuurteene

Eebbow su’aalaha qabriga,  qawlka sugan toosi

Sumcad fiicnidiisiyo nimaan cadhadu saaqaynin

Anigoo  sifayn Karin khalqigu, samoha sheegeene

Dadkow wada sinnaa oo qofnaba, kama santaageyne

Axmed cawke sawdkii dhagaha, sooryo noqonaayey

Ama summadi biibiisidee (BBC), lagaga soocaayey

Iidii inoo soogashaba, sow la tabi maayo?

Surmoseegto hadal aan lahayn, sida u keenaayey

Hibo tebin hal  uu  saafi jiray, saaka waan tabiye

Fanka hobalka suurayn wacnidi, midho ku siinaayey

Soomaali waa saaxad madhan, sabankan joognaaye

Safeex uu ahaa bay dadkii, tebi salaanow’e

Surmoseegto hadal aan lahayn, gollaha sooraayey

Iidii inoo soogashaba, sow la tebi maayo?

Xaqa anoo safaadayn marnaba, samadku noo uumay

Siduu doona yeelow adaa, saamaxaad badane

Saxaafigi godka u nuur rabbow, saamic baad tahaye

 

                        Aamiin, Aamiin

COMMENTS
LINKS