|
|||||
WAJAALE NEWS
Xuska 31-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM (17/10/1984kii – 17/10/2015ka) Qormada: 5aad
October 14, 2015 - Written by Editor:“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane, Gebgebteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye, Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye, Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye, Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye, Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’
Gud-gude, Hadraawi, 1990kii Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.comQormada: 5aad13/10/2015ka, Hargeysa,SOMALI NATIONAL MOVEMENT Flimsy File Dire Dawa Oct. 25/1984 Guddoomiyaha SNM Dire Dawa Uj: warbixin dagaal 17kii Oct. 1984 saacaddu markay ahayd 2.45 galabnimo, Guutada Sayid Cali oo deggenayd Kaam xabashi, waxa soo weeraray cadaw watay 24 gaadhi oo kala ah: 10 gawaadhida gaashaaman ah, 4 jiib, 2 Zuu, 2 Shilke, 2 Toyota oo ay saarnaayeen qoryaha ‘Brown’ iyo ‘Gerinove’ iyo 4 baabuur oo waaweyn oo ‘Ife’ ahaa. Ciidanka cadawguna wuxu ka koobnaa 500 oo askari oo aad u hubeysnaa. Ciidankeennu wuu ka digniin helay cadawga oo wuxu ugu diyaar-garoobay meel keymo xidhan leh. Ciidankeennu wuxu gaashaanka u qabtay oo uu dib u celiyay Raacii 1aad iyo Raacii 2aad ee cadawga oo uu ka dhigay wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax baxsaday, gaadiid bandanna waa laga gubay. Waxa weli inoo socota warbixintii Ibraahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa ka dhacay Kaam-Xabashi, waana tan warqaddii oo halkeedii ka sii socotaa: 4.30kii galabnimo waxa ciidankeenna soo weeraray Raacii 3aad ee cadawga, waxaana la dagaallamayay ilaa 9.00 saacadood ee fiidnimo, markaas oo la is-arki waayay oo la kala hulleelay. Khasaarihii cadawgu wuxu noqday:
Khasaarihii Ciidankii SNM gaadhay:
BKM: 1, RBD: 4, RBJ/7: 1m AK: 18 isugeynna noqday 24 qori. Haddii aynu warbixintii Ibraahin Kood-buur intaa kaga baxno, si aynu xaqiiqadii maalintaa u sugno suabaxnimadii Khamiiseed ee 18/10/1984kii Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle waxa lala aasay oo iilka loo kala weeciyay Mujaahid Mubaarak Axmed oo ‘Hadhuudho’ lagu naanaysi jiray siday ii sheegeen Cabdi-Laangadhe iyo Cabdi-Shanaad oo isagu ka mid ahaa dadkii dagaalkaa ku naafoobay. Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan dhowr Mujaahid oo intooda badan dhaawac lagu qabtay oo Hargeysa la geeyay oo kala ahaa:
Mujaahid Af-yare la yidhaahdo oo dhimashada lagu tirinayay mar danbe ayaa isaga oo nool saldhiggii Durya laga helay, immikana madaxa ayuu ka jirran yahay oo Hargeysa ayuu joogaa. Sow tii Aadan Tarabbi lahaa mar uu Faqashtii la hadlayay: “Ama midho Berdoo, Bisil baanu noqon, Ama qodax bir-lab ah, Oo Booca kaa muddiyo, Bixisaanu noqon,” (La soco berri, haddii Eebbe idmo)
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|