|
|||||
WAJAALE NEWS
Xulka Gobolka Hawd Oo Kabaha La Dulmaray Xulka Gobolka Maroodi Jeex Iyo Wacadarihii Galabta.
October 9, 2015 - Written by Editor:BORAMA(Wajaalenews) Xulka kubada cagta ee Hawd ayaa galabta saddexdii dhibcood ka qaatay dhigiisa maroodi jeex oo ay iskaga horyimaadeen ciyaar ku tirsanayd isreeb-reebka ciyaaraha gobolada Somaliland. Ciyaaryahanada Ayaanle Good, Amiin Axmed Cali iyo Kabtan Cabdiraxmaan Ilkacase ayaa u kala dhaliyay goolasha Gobolka Hawd qaybtii hore ee ciyaarta, halka qaybtii dambe ee ciyaarta goolka madiga ah uu u saxeexay xulka maroodi jeex ciyaaryahan Gabyaaye. Labadan xul ayaa mid waliba waxa uu haystaa saddex dhibcood, waxaana u kala hadhay gobolada buuhoodle iyo awdal oo ay iska hor iman doonaan.
Related posts:Garabka Haweenka Xisbiga Waddani UK Oo Qabsaday Kulan Ilyartu Isqabsatey, Dhaqaalena Ugu Deeqay Wadd... Daawo:Xukuumada Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday In Wafti Wada Xaajood Oo Daaran Dhacdadii Jaamac Du... DAAWO; Gabay Jawaab u ah Hadalo kasoo Yeedhay farmaajo Oo Uu Tiriyey Abwaan/Agaasime Cabdirisaaq ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|