DAAWO;Xulka Gobolka Gabilay Oo Kabaha La Dulmaray Xulka Gobolka Saaxil.iyo Natiijadii Ciyaarta Oo Ku Dhamaatay 4-1 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Xulka Gobolka Gabilay Oo Kabaha La Dulmaray Xulka Gobolka Saaxil.iyo Natiijadii Ciyaarta Oo Ku Dhamaatay 4-1
October 10, 2015 - Written by Editor:

Boorama(wajaalenews) Xulka gobolka gabilay ayaa Afar  gool iyo Hal  ku caarabiyay xulka  gobolka SAAXIL kadib ciyaar adag oo ku dhex martay labadan kooxood magaalada boorama oo ay kasocdaan ciyaaraha gobolada oo galay wareegii koowaad.

Sida uu wajaalenews u sheegay wariyahayaga gobolka awdal ciyaartan ayaa ahayd ciyaar xiiso badan oo ay si qurux badan u ciyaarayeen labadan kooxood.

Kooxda gabilay ayaa  Iyadu garoonka kusoo gashay ciyaar dar dar leh iyo qaybii horeba keensay sedex goolka  halka qaybii danbena ay soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo in difaacdaan guusha gobolka saaxil ayaa iyaguna ku dadaalayay in keensadaan goolal waxaana usuurta gashay hal gool halka gabiley ay keeneen gool kale

ciyaartan ayaa kusoo dhamaatay jawi degen.

COMMENTS
LINKS