Xukumada Oo Shaqadeeda Ka Mashquushay Loollanka Xisbiga Kulmiye Iyo Xaalada Adag Ee Jira Deegaanada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumada Oo Shaqadeeda Ka Mashquushay Loollanka Xisbiga Kulmiye Iyo Xaalada Adag Ee Jira Deegaanada Somaliland.
October 19, 2015 - Written by Wariye:

ilaa hada ma jirto cidi ka socota dhinica xukumada oo soo kala dhexgashay khilaafka labada beelood

xaalada colaadeeda oo salka ku haysa muran xagga dhulka ah    ayaa ka jirta  deegaanka hoose yimaada degmada Mandheera gaara ahaan beeraha dooxa godlay ,muranka kiciyey xaalada colaadeeda ayaa u dhexeeya labo beelood oo ka wada tirsan beel weynta Aadan ciise ee beesha Ciise muuse khilaafkan  oo  sababay muran dhuleed mudda badan u dhexeeyey labada nin  oo  la kala yidhaahdo Maxamed raygal(jinbac) iyo Jamaac garas , khilaafka labada beelo ee walalaha ah ee wada dega deegaanka dhul beereedka Godlay ayaa  maraysa halkii ugu sareeysa ka dib markii laysku afgaran waayey sohdimaha dhul beereedka ay labada beelood kala sheegnayaa ,  khilaafka labada beelood ayaana  jirin iilaa hada cidi isku xilsaartay  xalinta muranka dhulka beereedka ee

labada beelood isku hayaan  hadii aan la kala badbaadin isku dhaca beelood wuxuu sababi karaa khasaare mug iyo miisaan leh oo kala gaadha labada beelooda   ,khilaafka labada reer ayaa mar walba qarka u saaran inay  isku dhaca labada reer taasina ay  sababi karto  in nabadgaliyadu  faraha ka baxdo ,

ilaa hada ma jirto cidi ka socota dhinica xukumada oo soo kala dhexgashay khilaafka  labada beelood,

waxaana ugu baaqi lahaa xukumada Somaliland iyo waxgaradka gobalka saaxil iyo ka degmada mandheera inay ka hawl galaan xalinta iyo dajinta xaalada cakarin ee ka jirta dhul beereedka deegaanka  Godlay

Xasan cali diiriye

Berbera Somaliland

COMMENTS
LINKS