|
|||||
WAJAALE NEWS
Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Oo Lagu Kala Calafqaaday iyo Saamiga ay Kala hays-taan Maaganayaasha Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE.
October 3, 2015 - Written by Editor:Gaafwareega Samaale, Gabashadda Kijaandhe , Gaabiska Wasiir Biixi iyo Laqanyo Geerarka Muuse Biixi iyo Colkiisa Hargeysa, (Wajaalenews) – Loolanka u dhaxeeya mudanayaasha ku loolamaya hanashadda hogaaminta Xisbul xaakinka KULMIYE ayaa wali ku hirdamaya kala jiidashadda xubnaha golaha dhexe oo wakhtigan ah xudunta ugu muhiimsan ee guusha lagu kala hanankaro, Inkastoo aanay ilaa hadda loolanka golaha dhexe ee Xisbiga aanay ka dhexmuuqdan Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe oo shaaciyay inay tartamayaan madaxweyne siilaanyo dabadii . Xogo Wargeyska SAHAN helay ayaa muujinaya in garabka guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi si weyn ugu gacansareeyo xubnaha golaha dhexe , waxana xogahani muujinayaan in guddoomiye Muuse Biixi haysto aqlabiyadda xubnaha golaha dhexe oo ku salaysan beelo. Shaxdan Muujinaysa SAAMIGA BEELAHA Iyo Siday Ukala Horeeyaan,
Beelaha Saamiga ugu badan ku leh golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa waxay badidoodu gacanta ugu jira guddoomiye muuse Biixi Cabdi iyo garabkiisa, Wasiirka Arrimaha debedda Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ah garabka ilaa hadda sidda weyn looga dareemayo loolankooda xisbiga Kulmiye ayaa u muuqda kuwo loolankoodu ku hambaasamay shirar beeleedyo aan xidhiidh la ahayn xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga.Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ka kooban 322 xubnood ayaa qaarkood ay xisbiga ka baxeen, halka siddoo kalenna aanay tiraddani ku jirin Xildhibaanadda iyo Golaha wasiiradda oo iyagu si toos ah uga midnoqonaya xubnaha golaha dhexe , Wargeyska SAHAN ayaa helay saamiga ku salaysan beelo oo ay mudanayaasha ku lagdamaya hogaanka Xisbul xaakimka kulmiye u kala hantiyeen Xubnaha golaha dhexe iyo saamiga beeluhu u kala taageereen musharaxiinta Xisbul Xaakinka ee ku wajahan shirka Golaha dhexe fooda inagu soo hayo. XIGASHO WARGAYSKA SAHAN. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|