Xogo la Xidhiidha Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Booliiska Somalilandoo lagu Xidhay Hargeysa, Sababaha Keenay iyo Tirada Xalay la Sii Daayey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo la Xidhiidha Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Booliiska Somalilandoo lagu Xidhay Hargeysa, Sababaha Keenay iyo Tirada Xalay la Sii Daayey.
October 4, 2015 - Written by Editor:

Saraakiisha la xidh-xidhay oo Caddaalad-darro ay tirsadeen ku kasbaday Xabsiga

Hargeysa, -(Wajaalenews)- Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa la sheegay inuu Xabsiga dhigay Saraakiil ka tirsan Booliska oo ka gadooday caddaalad-darro ay sheegeen in lagu sameeyay habkii loo qaybiyay Derajada Ciidammada Ammaanka.

darajo

Sida lagu baahiyey Shabakadaha Raadraacnews.com & Mareeg.com, Taliyaha Booliska Somaliland, ayaa u gudbiyey cabashada Saraakiishaas Guddigii bixinaysay Derajooynka Booliska Somaliland, oo go’aamiyey inaanay sharci ahayn qoraalka cabashada ah ee Saraakiishu, taasina la sheegay inay keentay amarka Taliyaha Booliisku ku bixiyey in Xabsiga loo taxaabo.

 

Wararka xidhitaanka Saraakiishan oo tiradooda lagu sheegay dhawr iyo labaatan Sarkaal, inkastoo Sarkaal ka mid ahaa xalay la soo daayey, ayaanu macluumaad la xidhiidhaa ka soo bixin Taliska Ciidanka Booliiska, isla markaana Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu faahfaahin dheeraad ah ka weydiiyo Taliyaha Booliiska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaanay noo suurtoobin inaannu Khadka Taleefanka ku helno, ka dib markii uu naga qaban waayey, isla markaana wax jawaab ah naga soo siin waayey Farriimo aannu ugu dirnay Taleefankiisa gacanta.

Saraakiisha gadoodka ka muujiyay habka Ciidammada Booliska loo siiyay Derajooyinka, ayaa Xabsiga ku jira, waxaanay warararka laga helayo qaarkood tibaaxayaan in Saraakiishaas qaarkood laga qaadayo Derajadii ay hore u saluugeen.

 

 

COMMENTS
LINKS