Xaalada Magaalada Borama Gurigii Taliyaha Qaybta Booliska Awdal Oo Dab La Qabadsiiyay iyo Wasaaradda Daakhiliga Oo ka Hadashay Arrimaha Awdal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaalada Magaalada Borama Gurigii Taliyaha Qaybta Booliska Awdal Oo Dab La Qabadsiiyay iyo Wasaaradda Daakhiliga Oo ka Hadashay Arrimaha Awdal
October 12, 2015 - Written by Editor:

Boorama(Wajaalenews)October-12-2015- Dad cadhaysan ayaa galinkii hore ee maanta dab qabadsiiyay guriga taliyaha qaybta booliska Boorama. Dadka ayaa ka gadoodsanaa wiil yar oo shalay ku dhintay gacanta booliska.

guriga 22

Wararka naga soo gaadhaya magaalada borama  ayaa noo xaqiijiyay in dad cadhaysani barqadii u daateen guriga taliyaha, dadkii joogayna dibada uga saareen, dabeedna dab qabadsiiyeen guriga iyo wixii gudihiisa yaalay, waxaana la sheegay inuu shuf beelay gurigu. guriga ayaa ku yaalay xaafadda Fardaha ee magaalada Boorama.

Wararka hor dhaca ah ee ka soo baxaya cadhada dadkaasi ayaa sheegaya in shacabkaasi xukumaddu ka qancin wayday cidda dishay wiilka dhalinyarada ah ee shalay ku dhintay gacanta booliska xilli boolisku maaraynayay dhagax tuur iyo buuq ka dhashay ciyaartii Maroodijeex iyo Awdal.

Wasiir kuxigeenka gobolada iyo degmooyinka wasaaradda daakhiliga Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in dhalinyaro ka gadooday ciyaaraha iyo rabshadihii ka dhashay gubeen guriga taliyaha.

“ Guriga in la gubay waa jirtaa, waa dhalinyaradaas ciyaaraha ka gadooday, falkaas runtii waan ka xunnahay inuu dhaco, wuxuu ahaa fal dambi aad iyo aad u qadhaadh, dadkii waxaas ka dambeeyayna waa la baadhayaa, shilka shalayna sidii uu u dhacay ciidanka ayaa faraha ku haya oo baadhis baa ku socota,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay aad uga xun yihiin dhimashada wiilka yare e shalay dhintay “Sidaad la socotaan ciyaaruhu sidoodaba caalamka way iska hawlo badan yihiin. Ciidanka oo ammaanka sugayay uun bay dhimashadaasi ka dhacday, runtiina aad iyo aad baanu uga xunnahay inay dhimasho keento, waxaanan tacsi u dirayaa ehelada,” ayuu yidhi wasiir xigeenku

Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa Boorama ku dhintay intii ay socdeen Ciyaaraha gobolada Somaliland, waxaana ku dhacday rasaas boolisku riday, xilli ay dad kala caydhinayeen.

Xaaladda ammaanka ee Awdal ayaan fiicnayn kadib markii Wabar weerar ku qaaday guriga badhasaabka Awdal, halkaana laba askari ku dhinteen, arrintaasina sababtay xadhiga dad tiro badan oo dadka reer Awdal walaac ka muujiyeen.

 

COMMENTS
LINKS