Wasiirka Waxbarashada Oo Olole Ugu Jira Murashaxa Madaxwayne Ku-xigenka Xisbiga KULMIYE . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Waxbarashada Oo Olole Ugu Jira Murashaxa Madaxwayne Ku-xigenka Xisbiga KULMIYE .
October 2, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews)   Wararka kalla duwan ee shalay ilaa xalay lagu hadal hayey goobaha bulshadu ku kulanto ayaa Sheegaaya in Wasiirka Waxbarashada Somaliland Prof.Faarax Cilmi Geedoole.

Qorshaynaayo inuu Isku Sharaxo musharax m/kixigeenka xisbiga Kulmiye dhaxdiisa marka lagaadho shirweynaha xisbigsaasi

Wasiir Faarax Cilmi Geedoole oo olalihiisa laga dareemay Magalooyina Hargeysa Iyo Borama ayaa Lasheegay inuu doonaayo inuu isku soo sharaxo m/kigeenka iyadoo wararku intaa ku dareen in Wasiir kudoodaayo in beeshiisa Habar Carfaan ay doorkan xaq u leedahey musharaxa M/kuxigeenka Xisbiga Kulmiye madaama beelaha kale ee wada dega gobolka Awdal ee Makaahiil Iyo Maxamed Case Hore Musharaxiin M/kuxigeen usoo Noqdeen waxaan wasiirka la shr yimid in sida beesha sacad Muuse doorkan Loogu Daayey Musharaxnimada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye In beesha Habar Carfaana doorkani ay Tahey markoodii musharaxnima madaxweyne kuxigeenka.

Wararka waxay intaa kudarayaa iney durtaba bilaaban tahey shirar kalla duwan oo lagu taageeraayo musharaxnimada Wasiir faarax geedoole waxaa Xaraaradi kusii shidaysaa ololaha musharaxiinta Xisbiga Kulmiye oo hada Madaxweynku Xigeen isku Sharaxeen Cabdiraxmaan Saylici oo ah M/kuxigeenka Somaliland,Wasiirka Waxbarashada Faarax Geedoole Iyo Afhayeenka Golaha Guurtida ee Cabdiqaadir Indho indhoindho.

Wasiir Faarax Geedoole oo ah nin mudadii uu xilka wasaaradaha beeraha iyo Waxbarashada Hayey looga bartey degaan iyo qunyar socod waxaaynu eegi doona Halka ay Ku dambayso iyo masuulka musharaxnimada ku guulaysta.

COMMENTS
LINKS