Wasiirka Dhaqannada Iyo Arrimaha Diinta Ee Djibouti Dr. Aden Hassan Aden oo ku Guulaystay Billadda “Dhaqan Ee Heer Qaran.” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Dhaqannada Iyo Arrimaha Diinta Ee Djibouti Dr. Aden Hassan Aden oo ku Guulaystay Billadda “Dhaqan Ee Heer Qaran.”
October 10, 2015 - Written by Editor:

Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim; Annigoo ah xubin ka mid ah ururka qalinleyda ee Soomaaliyeed (Somali speaking pen). Ogaalkayga dadaallada uu horkacayay Aden Hassan Aden muddadii aan sida rasmiga ah ugu xidhnaa xarunta weyn ee Djibouti ku taal ee Somali speaking pen. Waxa aan markhaati ka ahaa hawl-karnimadiisa isagoo soo shaqo galay 5:00 subaxnimo, wuxuu shaqada ka bixi jiray 12:00 habeennimo.Waxaas oo dedaal ahina, waxa ay ifafaalo u ahaayeen in ay soo socdaan guulo hor leh oo uu gaadhidoono Dr. Aden Hassan Aden.

12071811_1296363983779543_426553917_n

Aad iyo aad ayaan ugu farxay markii uu I soo gaadhay warkii farxadda lahaa ee xusayay in Wasiirka dhannada iyo arrimaha diinta ee Djibouti Dr. Aden Hassan Aden”beloloo” uu ku guulaystay billadda dhaqan ee heerka qaran ee uu bixiyo gadhwadeenka jamhuuriyadda Djibouti Dr. Ismaaciil Cumer Geele.

Sannadkan dhexdiisa Aden Hassan Aden wuxuu ku guulaystay (Doctorate) ay jaamacadda Gollis ku guddoonsiisay, guud ahaan waxii uu ka qabtay afka iyo Dhaqanka Soomaaliga.

Billaddana waxa ay noqonaysaa tii labaad ee uu ku guulaysto isla sannadkan dhexdiisa. Ka dib markuu buuxiyay dhammaan shuruudihii iyo sifooyinkii lagu helayay abaal marintan qaali ah wuxuu madaxweynuha Jamhuuriyadda Djibouti u gartay in loo Xidho Billaddaasi oo Bilad Geesi Dhaqaneed ah.

 

COMMENTS
LINKS