Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Si Heer sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Dalka, Shaaciyayna Hankiisa Musharaxa Jagada Madaxweynaha Ee Xisbiga Kulmiye.SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Si Heer sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Dalka, Shaaciyayna Hankiisa Musharaxa Jagada Madaxweynaha Ee Xisbiga Kulmiye.SAWIRO
October 11, 2015 - Written by Editor:

“Golaha dhexe ee Kulmiye Waxaan leeyahay  qofkaad dooranaysaan waxaad ku doorataan Aqoon, waayo aragnimo, Karti, iyo Xajiin la’aan”

Hargeysa (Wajaalenews)-Wasiirka Arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland ahna musharaxa jagada madaxweynaha uga dhex tartamaya Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa.

soo 6 soo 7 soo 8

 

Soo dhaweynta wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo maalmahanba laga dareemayay magaalada Hargeysa ayaa  waxaa ka soo qayb galay oo kaga hor tagey gegida dayuuradaha ee Cigaal International Airport wasiiro, wasiiro ku xigeeno,  Xildhibaano, salaadiin, Aqoonyahano, ganacsato, badi masuuliyiin ka tirsan xukuumada, Golayaasha iyo Xubno tiro badan oo ka mid ah hogaanka, guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaasha musharax Maxamed Biixi Yoonis.

Markii diyaarada Siday Wasiirku garoonka soo caga dhigatay ayaa waxaa uu salaan diiran ku qaabilay dadwaynihii soo dhaweynayay wasiirka iyo dhamaan haldoorka iyo labeenta shacabka  oo iyagu ilaa saaka u taagnaa soo dhaweynta wasiirka arrimaha dibada ahna musharax ku tartamaya Xisbiga Kulmiye.

soo 10 soo 1 soo 2 soo 3

Wasiirka arrimaha dibada Ahna musharax ku loolamaya madaxtinimada Xisbiga Kulmiye ayaa saxaafada kula hadlay qolka VIPda ee Madaarka Cigaal waxaana uu ugu horreyn ka hadlay safarkii uu madaxwaynaha iyo waftigiisu ku tageen dalka Ireland “Waad mahadsantihiin walaal sida wanaagsan ee aad halkan iigu soo dhaweyseen,  waxaan marka hore wax ka odhanayaa safarkii aanu ku tagnay Ireland oo ahaa safar taariikhiya, madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland iyo madaxwaynah Ireland waxay ka wada hadleen in ay dawlada Ireland nagala shaqeyn doonto arrimaha ictiriifka raadin iyadoo dawlada Ireland ay tahay dawlada inala mida oo muddo badan aqoonsi ka doonaysay qaramada midoobay, safarkaasi walaal guul ayuu noogu soo dhamaaday”


soo 4 soo 5 soo 9

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland oo hadalkiisa sii wattaa waxaa uu shaaciyay inuu  yahay musharax ku tartamaya jagada madaxwaynanimo ee Xisbiga kulmiye “ Walaal waxaan idiin sheegayaa inaan ahay musharax u carraraya inuu ku tartamo jagada madaxweynanimo ee Xisbiga Kulmiye ee golaha dhexe. Golaha dhexe ee Kulmiye Waxaan leeyahay  qofkaad dooranaysaan waxaad ku doorataan Aqoon, waayo aragnimo, xajiin la’aan iyo karti ee haku dooranina qabiil iyo nin jeclaysi”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

COMMENTS
LINKS