|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirada Arrimaha Debadda, Warfaafinta Iyo Caafimaadka Oo Waftiga Madaxweynaha Kaga Biiray Dalka Imaraadka Oo Ay Saaka Ka Duuleen.
October 4, 2015 - Written by Editor:Wasiirada Arrimaha Debadda, Warfaafinta iyo Caafimaadka ayaa Magaalada Dubai kaga biiray Waftiga Madaxweynaha Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta u anbabaxay dalka Ireland, halkaas oo martiqaad rasmiya loogu casuumay madaxweynaha iyo weftigiisa. Waftiga Madaxweynaha Somaliland hoggaaminaayo oo hore ugu sii hakaday dhawr maal mood dalka Imaraadka Carabta waxaa hore u sii joogay Madaxweynaha oo ay weheliyaan Wasiirka Madaxtooyadda, Marwada Koowaad. Waxaana hadda ku biiray waftiga Madaxweynaha Somaliland, Wasiirka Arrimaha Debadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye. Waftiga Madaxweynaha Waxaa Ku sii sagootiyay waaxda VIP da garoonka Dubai, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta Baashe Cawil Xaji Cumar.
Muniir Axmed Cigaal weriyaha Weftiga Madaxweynaha JSL DUBAI
Related posts:Gudida Dan Iyo Duco Oo Sheegay In Aanu Jirin Wax Shir Ah Oo Beesha Ciise Muuse Qabsanayso Iyo Fariin... DAAWO; Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Ay Daraasad Ku Samaynayaan Waxyaabihii Keenay Guulda... Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex oo Soo Bandhigay Qodobadii Loo Cuskaday Xadhiga Wargeyska Foore COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|