|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Ku Xigeenka Ciyaaraha Oo Booliska Ka Dalbaday In Baadhis Lagu Sameeyo Rasaasta Keentay Dhimashada.
October 12, 2015 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaalenews)Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas, sheegay inay ka xun yihiin wiil dhalinyarro ah oo ku dhintay xabad Boolisku rideen shalay markii rabashadu ka dhacday garoonka Xaaji Daahir ee Magaaladda Boorame, oo ay iskaga hor-yimaadeen labada xul ee gobolladda Awdal iyo Maroodi-jeex. Wasiirku waxa uu Ciidanka Booliska Ka dalbaday in aanay cid dambe ku dhiman garoomadda ciyaaraha isla markaana baadhis lagu sameeyo geerida labadii dhalinyarrada ahaa ee ku naf waayay magaaladda Boorame. Wasiir Ku-xigeenka oo Warbaahinta Dawlada ugu Wamary Magaalada Boorama ayaa ku edeeyay xulka gobolka Maroodi Jeex inay baal-mareen xeerkii u yaalay ciyaaraha Somaliland ee kubadda cagta isla markaana ay diideen rikoodhe lagu qabtay oo sababay in gabi ahaanba laga saaro tartankan. “Ciyaaruhu waxa ay iska leeyihiin xamaasad iyo wareer, ciyaaruhuna waxay leeyihiin xeer iyo sharci. rikoodhe ayaa lagu qabtay xulkii Maroodi Jeex way diideen in lagu laagto, waxaanay yidhaahdeen garsooruhu wuu khaldan yahay, adduunka kama dhacdo in la yidhaahdo waxba kama jiraan go’aanka Garsooraha ciyaarta maamulaya. Kooxda garsooraha ka cabanaysaa waxay leedahay dariiq sharci oo ay tahay in loo maro dacwadda mawduuca laga cabanayo. Laakiin khaladka ugu weyn ee ciyaartoyga Maroodi-jeex sameeyeen waxa uu ahaa waxay gacantooda sifo khaldan ugu fushadeen sharcigii, Wasiir ku xigeenka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in tartanka ciyaaraha gobolladu aanu is-dhex-galkii laga rabay dhalinyarradu uu meesha ka baxay oo ciyaaruhu soo kordhiyeen gobolaysi iyo qabyaalad hor leh, waxaanu yidhi “Adduunka oo dhan ciyaaraha taageerayashoodu waxay sameeyaan waa ta la arko laakiin waxa aan odhan karaa wacyigelin ku filana waa la sameeyay waxa inNagu cusubna may ahayn waa koob la qaban jiray ciyaaryahano wada ciyaari jiray ayay ahaayeen waxaana muhiimadu tahay in dhallinyarradu wax ka bedalaan akhlaaqdooda, xamaasadana waxa keenaysa ciyaar wanaaga oo guruubkani waxa ay ahaayeen group-ka ugu adag. Wasiir Garas oo la weydiiyay sida wax looga qaban karo khasaaraha ka dhashay rasaasta ciidanku ridayaan xilliyadda ciyaaruhu socdaan, waxaanu kaga jawaabay “Aad baan uga xumahay tacsi ayaanan u dirayaa ehelkii ay ka baxeen labadii wiil ee geeriyooday mudadii tartankani socday magaaladda Boorame. ma rabno in qof Somaliland ahi inuu si dhib yar naftiisa ku waayo ama ciyaar ha noqoto ama wax kale ha noqotee. laakiin mar walba waxaanu yeelanaynaa yeelanaynaa feejignaanteeda. Waxaan awooda saaraynaa inaynu amnigana sugano, dadkeenana aanay xabadi ku dhicin. Wasiir Ku xigeenku waxa kale oo uu ku dooday inuu xidhiidhka kubadda cagta ku ixtiraamay inay si madax-banaan u qabsadaan waajibaadkooda shaqo, waxaanu soo dhaweeyay ganaaxyadda culus ee ay xalay soo saareen.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|