Warbixin Sir ah: Osama Bin Laden Wuu Nool Yahay, Waxana Biiliya Sirdoonka Maraykanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Sir ah: Osama Bin Laden Wuu Nool Yahay, Waxana Biiliya Sirdoonka Maraykanka.
October 1, 2015 - Written by Editor:

Waxaan hayaa dokumanti iftiiminaya in Bin Laden weli nool yahay oo CIA-du lacag siiso, waxaannu  helaa in ka badan $100,000 dollar bishiiba’

Basaaska  Snowden ee fashiliyey siro badan oo Maraykanku lahaa

Moscow (Wajaalenews/W.Wararka) Ninka fashiliyey siraha ammaanka Maraykanka ee Edward Snowden oo hore uga tirsanaa hay’adda hawlaha amniga u qaabilsan Ameerika ee NSA, ayaa soo saaray warbixin muran badan dhalisay oo uu ku sheegay inuu hayo macluumaad lagu kalsoonaan karo oo caddaynaya inuu weli nool yahay hoggaamiyihii Al-qaacida ee Osama Bin Laden oo ciidammada Maraykanku ku khaarajiyeen dalka Pakistan dhowr sanno ka hor.

Mr. Snowden oo baxsad ku jooga Ruushka, kadib markii uu faafiyey siro ay lahayd Hay’adda Ammaanka Maraykanka (NSA), gaar ahaan barnaamijka basaasidda tiknoolajiyadda, ayaa warbixin sir ah oo uu ku baahiyey shabakad la yidhaa worldnewsdailyreport.com oo Jamhuuriya soo xigtay ku sheegay in Osama Bin Laden si xarrago iyo nolol heer sarraysa ah ugu nool yahay Jasiiradda Bahamas ee woqooyiga Ameerika, kharashaad iyo lacag badanna ay ku bixiyaan sirdoonka CIA-da.

USAMA

“Waxaan hayaa dokumanti iftiiminaya in Bin Laden weli nool yahay oo CIA-du lacag siiso. Waxa uu weli helaa in ka badan $100 kun oo doollar bishiiba, kaasoo loogu mariyo nidaam ganacsi iyo ururro ah si toos ahna ugu dhaca akawn uu ku leeyahay bangiga la yidhaa Nassau. Ma hubo halka uu ku sugan yahay, balse sannadkii 2013 ka wuxuu si nabad ah ugu noolaa bangalo weyn oo ay la joogeen 5 dumar ah ee xaasaskiisa ahaa iyo qaar badan oo carruurtiisa ka mid ah,” ayuu idhi Snowden.

Waxa kaloo basaaskani sheegay in CIA-du been-abuur ka sheegtay dhimashada hoggaamiyihii hore ee Alqaacida, isaga iyo qoyskiisana geeyeen goob qarsoodi ah oo ku taal Jasiiradda Bahamas, waxaannu tilmaamay inuu ka mid ahaa sirdoonka ugu khatarsan hay’addaas ee u hawlgalayey, waxaannu yidhi; “Osama Bin Laden oo ka mid ah ragga CIA-da ugu hawlkarsanaa ee muddada dheer u shaqaynayey. Farriin kale oo noocee ah bay u diri lahaayeeen ragga kale u shaqeeya haddii aanay odhan lahayn waxa dilay ciidan si gaar ah u tababar oo la yidhaah SEALS? Waxay diyaariyeen khiyaamo lagu been abuurayo dhimashadiisa, iyagoo kaalmo ka helaya sirdoonka dalka Pakistan, waannu is qariyey. Qof kastaa waxa uu aaminay inuu dhintay oo qofna ma raadin, sidaa darteed way fududahayd inuu qarsoomo. Gadh la’aanta iyo koodhka millateriga oo aannu xidhnayn dartood qofna ma aqoonsanayo.”

Waxa kaloo Mr. Snowden sheegay in dukumantiyada uu hayaa caddaynayaan in Bin Laden nool yahay, buug uu dhawaan soo saari doonana ku soo bandhigi doono arrimahan.

Ninka siraha badan fashiliyey Edward Snowden waxa shaqaalaysiisay Hay’adda Ammaanka Maraykanka ee NSA sannadkii 2013, maadaama uu hore uga soo shaqayn jiray sirdoonka CIA-da. Bishii June ee isla sannadkaas waxa uu dibadda u soo saaray kummanaan dukumanti oo siraha NSA ah oo uu siiyey suxufiyiin.

Dawladda Maraykanka ayaa ku xukuntay inuu hawlo basaasnimo ku kacay, waxaannu magangelyo ahaan ugu nool yahay waqtigan magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, kadib markii uu ka baxsaday Hong Kong oo uu tegay markuu faylasha iyo siraha fashiliyey.

Waxa kaloo jirta in 28 July 2015  uu Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo diiday codsi ay saxeexeen 168 kun oo qof oo ay ku dalbanayeen in lagu cafiyo basaaskan siraha badan bannaanka u soo saaray, (codsigan waxa hal-ku-dhiggiisu ahaa ‘Waxa aan nahay dadkii’ (We the People).

Dhinaca kale, ma jirto wax ilaa hadda si dhab ah u caddaynaya waxa ka jira warbixintan uu soo saaray Mr.  Edward Snowden ee la xidhiidha inuu nool yahay hogaamiyihii Al-qaaciida Osama Bin Laden oo Maraykanku sheegteen inay dileen 2 May 2011.

 

COMMENTS
LINKS