Wararkii U Dambeeyay Khilaafka Garabyada Kulmiye + Kulankii Saylici iyo Sadexda Musharax Oo Lagu Kala Kacay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii U Dambeeyay Khilaafka Garabyada Kulmiye + Kulankii Saylici iyo Sadexda Musharax Oo Lagu Kala Kacay.
October 15, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) kulan ayaa saaka wada yeesheen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo sadexda Musharax ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, C/casiis Maxamed Samaale iyo Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe ayaa ku dhamaaday Natiijo la’aan kadib markii uu Madaxweyne ku-xigeenku u bandhigay inaan laga noqonayn baaqii Xoghayahay Guud ee Ururku isugu yeedhay Golaha Dhexe, kaasoo ay sadexda Musharax ku tilmaameen mid xisbiga ku abuuri karta khilaaf.

SEDEXDA M

Sadexda Musharax oo cabashada Ogeysiiska uu xoghayaha guud warbaahinta mariyey u gudbiyey shalay Madaxweyne ku-xigeenka oo ah musharax ka soo horjeeda ayaa filayey balantii uu shalay u qabtay inay kala kulmaan sida ay doonayeen in uu wax uga qabto, hase yeeshee markii uu ka hor yimi in uu talaabo ka qaado waxay kaga jawaab celiyeen inaanay ogolaanin doonin talaabadaas.

 

Lama garanayo jawaabta ay sadexda Musharax ka bixin doonaan talaabada ay diidan yihiin ee ay isku af-garan waayeen Madaxweyne ku-xigeenka, hase yeeshee waxa muuqata in ay arrintani horseedayso kala fogaansho labada Garab eek u Loolamaya Golaha Dhexe ee Kulmiye.

Kulanka saaka ayaa la sheegay inay goob-joog ka ahaayeen wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade iyo wasiirka Gaashaandhiga Axmed X Cali Cadami.

 

COMMENTS
LINKS