|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah:- Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wasiiro Buuxinaya Xilalkii Ay Baneeyeen Masuuliyiintii Is Casilay Kuwo kalena Isku Badalay
October 27, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)ayaa si hada si rasmiya ugu dhawaaqay wasiirada buuxin doona xilalka ay baneeyeen wasiirada shalay iska casilay xukuumadiisa Halkan Kaga Bogo warsaxaafadeedka madaxwayne Siilaanyo ku magacaabay Wasiirada.iyo AFHAYEENKA MADAXTOOYADA. WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3631/102015 Isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey golaha wasiirada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka mida wasaaradihii ay baneeyeen wasiiradii hore iyo Magacaabayna Afhayeen Cusub. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday
2 .In Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan) 3 .In Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)
ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|