WAR DEG DEG AH; Madaxtooyada Oo ku Hawlan Buuxinta Jagooyinkii Wasiiradu Iska Casileen Iyo Madaxwayne siilaanyo Hada Magacaabay Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEG AH; Madaxtooyada Oo ku Hawlan Buuxinta Jagooyinkii Wasiiradu Iska Casileen Iyo Madaxwayne siilaanyo Hada Magacaabay Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka.
October 27, 2015 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3638/102015 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu:-

 Markuu Arkay:      Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:      In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:     In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha)

 ALLAA MAHAD LEH


                  Naasir Yuusuf  Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS