War Culus:Isa Seega Marwo Aamina Waris Iyo Wasiir Samasam+Dagaal gacan ka hadal gaadhey Oo Qasriga Ku Dhexmaray+Weedhihii Aamina Iyo Weerarkii Samsam. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Culus:Isa Seega Marwo Aamina Waris Iyo Wasiir Samasam+Dagaal gacan ka hadal gaadhey Oo Qasriga Ku Dhexmaray+Weedhihii Aamina Iyo Weerarkii Samsam.
October 30, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews.net)-Wararka naga soo gaadhaya  qasriga laga shookaamiyo talada dalka, ayaa sheegay inay habeenkii xalay ahaa ay isku muruxsadeen Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Waris iyo wasiirada maaliyada Samsam Cabdi Aadan, waxaana la sheegay inuu dagaal dhanka afka ahi ku dhexmaray gudaha qasriga madaxtooyada, kaas oo aan waxba laysku reebin, kuna dhawaaday in gacma laysula tago.

marwo-aamina-300x191

 Sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo laga helayo qasriga madaxtooyada,ismaan dhaafka afada Madaxweyne Siilaanyo Aamin-waris iyo wasiirada maaliyada Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka curtay, kadib markii ay marwo Aamina-waris u soo jeedisay wasiirada inay iskaga hadho taageerada ay siinayso garabka mucaaradka ah ee isbahaysiga musharixiinta KULMIYE, balse wasiir Samsam  ayaa dhegaha ka furaysatay dalabka madaxweynaha jiifa, intaas wixii ka dambeeyay, ayaa ay  labada marwo is -dhaafsadeen weedho xanaf leh oo kul-kulul isla markaan idhaha ayay faraha iska geliyeen, balse nasiib wanaaga waxa soo gaadhay qaar kamid ah shaqahaa qasriga, oo kala ka xeeyey labadoodaba.

 

 

Dhanka kalena Afada siilaanyo iyo wasiir samsam ayaa ahaa saxiibo isku dheer oo isku qadhaabta, isla markaan is xan’og, laakiin hadda waxa kala kaxaysay siyaasada oo aan saxiib joogta ah lahayn .  

 

Si Kasta ha-ahaatee Aamina-waris iyo wasiirada Samsam oo saxiibo isku dhaw ahaa, ayaa hadda isa seegay waxaana la dhawrayaa halka uu sal dhigan doono khilaafka ka dhex curtay Marwooyinka majaraha siyaasada hoggaamiya.

COMMENTS
LINKS