“Waar odayga Tolow Ragii Uu Dhalay Miyay Dhinteen Maxay Aabahood Ugu Eegayaan Sidan”Mujaahid Cali Gurey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waar odayga Tolow Ragii Uu Dhalay Miyay Dhinteen Maxay Aabahood Ugu Eegayaan Sidan”Mujaahid Cali Gurey
October 26, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey)ayaa ka  hadlay taageerada madaxwayne Siilaanyo u muujiyay Guddoomiyaha Xisbigaa Kulmiye.

Mujaahid Cali waxaa uu madaxwaynaha ku tilmaamay mid xaaladiisu lidato islamarkaana uu ku kala  hadlay hadalo kala duwan oo isburinaya maadaama madaxwayne Siilaanyo Sheegay inuu dhex u yahay musharixiinta ku loolamaya Xisbiga KULMIYE.

Mujaahid Cali (Gurey)qoraal kooban oo  uu kaga  hadlayo arintan kuna baahiyay dagelka uu ku leeyahay Facebooga waxaa uu u dhignaa sidan:-

JIDHAAB HADAL KAMA DAMBAYN

Berigii Ingiriiska ayaa waxa la yidhi cuqaasha reer Hargeysa oo Xafiiska DCga joogta ayuu DCgii Ingiriis nin caaqil ah oo hadlay ku yidh” shut up”. Caaqilkii baa iskaga baxay Xafiiskii DCga cadhona wuu ku baxay ninkii Ingiriisna inu wax dhimayba isuma haysto. Dhawr bilood markii Caaqilki shir daaye xataa mushaharkii soo doonan waayay ayuu maalin maalmaha ka mid ah cid u diray. Markii Xafiiskii loogu keenay ayuu DCgii yidhi Caaqil miyaad xanuunsatay beryahaa kumaan arag oo xataa musharkaagi wuu is gaadhay oo maad soo doonan eh.

Halkii uu wax kale ka eegayay ayuu yidhi “SAAB JIDHAAB HADAL KAMA DAMBAYN”.

Axmed Silanyo ragii la tartamayay Muuse Biixi wuxu jidhi JIDHAAB eh bal aan eegno waxa ay yeelaan. Wuu u cadeeyay in aanu dhex u ahayn ee Muuse Biixi taageersan yahay. Weliba intaa kumuu joogin ee ergadii reerkiisa oo dhan iyo wasiiradii reerkiisana Muuse wada raaca ayuu yidhi. Shalayna muxuu Madaarka ka yidhi? Waan ka xumahay runtii waayo Axmed beenaale ma ahaan jirin cid baase ka dhigtay heshay Axmed oon Axmed ahayn oo xumaan walba faraha u gelisay cid uga miciintana aanu hayn. Waar odaga tolow ragii uu dhalay miyay dhinteen maxay aabahood ugu eegayaan sidan. Waan ka xumahay runtii walaahi hadii aan Tilfoonka Kulmiye Silanyo hayo saaka waar ka soo kac oo Aabahaa u heli ayaan odhan lahaa. Hadana cidii xidhiidh la leh waxan leeyahay fariintaa ha la iga gaadh siiyo

 

CALIGUREY

 

 

COMMENTS
LINKS