|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururka Solja oo Warbaahinta Uga Digay Saadaal ka Bixinta Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Derajada Ciidamada.
October 8, 2015 - Written by Editor:War-saxaafadeed; Ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu jawaab cad ka bixinayaa Cabashooyin kala duwan oo ka soo gaadhay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo Madaxda Booliiska gaar ahaan Taliyaha Ciidanka sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan, kuwaas oo ku qotoma Eeddo ay ujeedinayaan qaar ka mid ah saxaafadda oo maalmahan danbe saadaal aan sax ahayn ka bixiyey Loollanka Musharaxiinta Shirka Golaha Dhexe iyo darajada ciidamada. Cabashooyinka SOLJA soo gaadhay oo qaarkood yihiin qoraal ka soo baxay hogaanka Xisbiga Kulmiye, qaarkood na yihiin cabashooyin af-ka ah oo ay ka tirsanayaan Wargeysyada Waaheen cadadkii 1702, , ee 6/10/2015, Sahan 1063, ee 5/2015, Codka Shacabka cadadkiisii 1063 ee 5/10/2015 iyo Ogaal cadadkii 26047, kuwaas oo dhamaantood cabashooyinka loo soo jeediyey yihiin inay soo bandhigeen go’aamo hordhac ah oo ay ka saadaaliyeen Loolanka Kulmiye. Sidoo kale, Taliyaha Booliiska Somaliland waxa uu cabasho SOLJA uga soo gudbiyey cadadkii Wargeyska Hubaal ee 479 ee 4/10/2015, kaasoo wax ka qoray saraakiil iyo Askar loo xidhay saluug ay ka muujiyeen darajooyin loo qaybiyey qaar ka mid ah ciidamada Booliiska. Hadaba, cabashooyinkan ka soo yeedhay Musharaxiinta Kulmiye iyo Taliyaha Booliiska Ururka Suxufiyiinta Somaliland markii uu darsay isla markaana qiimeeyey awooda saxaafadda Somaliland iyo masuuliyadda culus ee ay arrimahani leeyihiin oo u muuqda kuwo abuuri kara khal khal iyo in bulshada lagu marin habaabiyo saadaal aan sax ahayn, waxa uu ururku u arkaa inay yihiin kuwo loo baahan yahay Saxaafadda iyo suxufiyiinta ka hawl-galaa inay ka fogaadaan, isla markaana aanay mar danbe daabicin illaa inta shirka Golaha Dhexe go’aan rasmi ahi ka soo baxayo. Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu ka raaligalinayaa dhamaan masuuliyiinta cabashadan soo gaadhsiiyey saamaynta ay wararkani ku yeesheen Guud ahaan Qaranka, gaar ahaana shakhsinimada masuuliyiintan oo mudan inaan laga baahin warar aan Rasmi ahayn, ama aan lahayn caddaymo ku filan. Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu soo dhaweynayaa cabashada ay masuuliyiintani usoo gudbiyeen, waxaanan mar kasta ka rajaynaynaa qof kasta oo saxaafadda ka tirsada deel-qaaf in uu soo wargaliyo Ururka isla markaana qadariyo muhiimadda uu leeyahay in lala soo xidhiidho inta aan talaabo kale la qaadin. Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu taageerayaa go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo hawl-wadeenadiisu ay ku tixgaliyeen inaan suxufiyiinta xadhigooda loo marin dariiq qaldan, gaar ahaana waxaanu Maxkamadda Gobolka Saaxil ku amaanaynaa talaabadii ay ku diiday codsigii Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha iyo sii dayntii danbe ee labada Wariye ee kala ah Axmed Siciid Maxamed iyo C/raxmaan Maxamed Cige oo ay usoo celisay Xorriyadoodii.
Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|