UJEEDADA; Shir Ay Iskugu Yimaadeen Aqlabiyada Gudida fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Xubno Kamida Hogaanka Xisbiga Oo Caawa Ka Dhacay Hôtel MAANSOOR. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
UJEEDADA; Shir Ay Iskugu Yimaadeen Aqlabiyada Gudida fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Xubno Kamida Hogaanka Xisbiga Oo Caawa Ka Dhacay Hôtel MAANSOOR.
October 14, 2015 - Written by Editor:

KHILAAFKII XISBIGA KULMIYE OO SII XOOGAYSANAYA IYO AQLABIYADA GUDIDA FULINTA ee xisbiga kulmiye Iyo xubno kamida hogaanka xisbiga ayaa caawa SHIR Aan Ujeedadiisa lashaacin ku yeeshay hôtel MAANSOOR ee magaalada hargeisa.

HARGAYSA(Wajaalenews) Shirkan ayaa la sheegay in ay iskugu yimaadeen Aqlabiyada golaha fulinta oo tiradooda lagu sheegay 27 xubnood sidoo kale waxaa igayu goobta ku sugnaa qaarkamida murashixiinta xisbiga kulmiye ku loolamaya iyo Xubno golaha wasiirada katirsan .

ilo xogogaal ayaa shabakada wararka ee wajaalenews u xaqiijiyay in shirkani daarnaa sidii looga arinsan lahaa qoraal uu dhawan soo saaray gudoomiyaha xisbiga kulmiye udeedadiisuna ahayn sidii xubnaha golaha dhexe u qadan lahaayeen kaadhadhkii xubinimada golaha dhexe ee xisbiga

Xubnaha shirka waday ayaa sida iluhu tibaaxeen waxaa kamid ahaa Gudoomiyekuxigeenka sedexaad ee xisbiga WAABEEYE. IYO G,AFRAAD XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN TALYANLE Wasiirkii hore ee wasaarada maaliayada C/Casiis Maxamed Samaale. Murashax xildhibaan kijaandhe Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed biixi yoonis Oo kamida xubnaha ku loolamaya murashaxnimada xisbiga kulmiye

Shirkan oo mudo socday ayaa waxaa gabi ahaanba lagu qaadacay talaabada uu qaaday gudoomiyaha xisbiga kulmiye sidoo kale waxa aqlabiyadii gudida fulinta iyo qaarkamida hogaanka xisbigu isla qateen in talaabadaa dib looga noqdo iyagoo madaxwayne kuxigeenka ahna kusimaha madaxwaynaha gaadhsiiyay dacwadoodan.

sidoo kale Sawirka madasha ka muuqdaa ayaa sheegayaa mid jawaab u ah yeedhmadii gudoomiye muuse biixi iyo ku xigeenkiisu ay u yeedheen xubnaha golaha dhexe ee amrayay inay soodoontaan kaadhadh kooda aqoonsiga amarkaasi oo aanay dhamaan xubnaha ku hirdamaya xisbigu aanay jeclaysan gaar ahaan GUDIDA FULINTA oo amarkan sharci ahaan qayb kulahaan lahaa.

 

 

Wararka shirkan kasooo baxaya ayaa tibaaxay in maalinta bariya laga warsugayo go,anka uu ka qaato madaxwayne kuxigeenka cabdiraxaam saylici oo fariinta hore loo gaadhsiiyay

waxana la sheegayaa in ay gudida fulintu ku baleen bari aroorta shir ay qaban doonaan iyagoo Lafilayo in ay ganafka ku dhuftaan qoraalka uu soo saaray gudomiyaha xisbigu Muuse Biixi Cabdi

Arintan ayaa iyadu noqonaysa bilowgii khilaafka xisbiga kulmiye oo hada u muuqda mid u kala jabaya dhawr garab iyadoo laga cabsi qabo in garab kastaa dhinciisa ugu dhawaaqo shirwayne

Si kastaba ha, ahaatee xaaladan ayaa ah khilaaf hor leh oo iyadoo lasheegay in ujeedada ay diidan yihiin ay tahay qorshe lagu wiiqayo cida taageersan iyo sidii Loo buuxin lahaa xubnaha golaha dhexe ka baxay amaba dhintay, iyo kuwa ka habsaama yeedhmada oo lagu shir qooli karo.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS