Sheekh Aadam Siiro Waslad Dheemana Oo Ka Dhex Ifaysa Bulshada Reer Somaliland. Ugagaarida Dadka Tabaalaysan Iyo Himilada KOR UQAADISTA GUURKA. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Aadam Siiro Waslad Dheemana Oo Ka Dhex Ifaysa Bulshada Reer Somaliland. Ugagaarida Dadka Tabaalaysan Iyo Himilada KOR UQAADISTA GUURKA.
October 8, 2015 - Written by Editor:

Udamqashada  Sheekh Aaden Siiro Ee Dadka Tabaalaysan+Barnaamijyadiisa khayriga ah Ee Dhaxalgalka Noqday Iyo Himiladiisa KOR UQAADISTA GUURKA.

Dharaartii Hilaaciyo Qaraxyadu Dhaceen.

Dhimashadu Hadhbeeshee Dhaawaceeni Halis Galay

Dhukus Caalin Sheegtiyo Dhabar Iyo Wadaadiyo Dhiiriye Kamuu Hadal.

Sheekh Garasho Dheeroo Dhamal Aadansiira Kalidii Dhawaaqoo.

Xaqa Aan La Dhuumane,

Dharaaroow Digniin Hoo,!!!! A, Sacad Gadhle.

Aadamsiiro

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud  (Aadan Siiro) oo kamid ah culimada Waawayn ee Dalka ahna Imaamka mid kamid ah masaajidada waawayn ee magaalada hargaysa ayaa tan iyo markii ay somaliland xoriyada kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray somalia, waxaa uu ku hawlanaa sidii uu u caawin lahaa dadka Dan yarta ah ee la nool faqriga isaga oo mudadaas dheer coddheer iyo cod gaabanba ugu yeedhayay dadka ganacsatada ah iyo dadka maalqabeenka ahba si ay uga qaybqaataan barnaamijyadan khayriga ah ee gacan loogu fidinayo dadkaas walaalahooda ah ee tabaalaysan.

Sheekh Aaden siiro oo damqasho badan u leh dadka tabaalaysan ayaa caan ku ah Abuurista Barnaamijyo khayriya oo lagu taakulaynayo dadka danyarta ah isaga oo Maalkiisa,maskaxdiisa iyo waqtiisa qaaliga ahba u huraya sidii uu dadkiisa baahan uga gaysan lahaa gacan muslinimo ku jirto uguna soo jeedin lahaa indhaha walaalahooda ay waajibto inay caawiyaan.

Sheekh Aaden siiro oo IL qudhaanjo ku eega kolba halka baahidu ka jirto ayaa barnaamijyo badan oo ay u bogeen Bulsho waynta somaliland gaar ahaan dadka u damqanaya danyarta ka fuliyay soomaliland sida xarunta xanaanaynta dadka qaba xanuunka dhimirka isaga oo xarun wayn uga dhisay duleedka magaalada hargaysa halkaas oo lagu xanaaneeyo kumaankum kamida dadka la ildaran xanuunka dhimirka ama waalida.

Waxa kale oo kamida quudinta dadka danyarta ah ee kusugan xaafadaha hargaysa gaar ahaan dadka danyarta ah ee ku dhaqan xaafada xawaadle iyada oo goobtaas sheekhu ku quudiyo boqolaal qoys.

Sidoo kale barnaamijyadan khayriga ah waxaa kamida iibinta dhul lagu xabaalo dadka maytida ah oo ay la ildarnaayeen dadweynuhu maadaama aanay jirin dhul Dan guuda oo loo qorsheeyay waxaanu dhul balaadhan oo qorshuhu ahaa in lagu aaso 7000 oo marxuum uga iibiyay deegaanka xeedho halkaas oo Tobankii sano ee u danbeeyay lagu xabaalayay maytida haatana buuxsamay balse dhawaan uu ka hawlgalay sheekhu sidii loo heli lahaa dhul kale oo lagu xabaalo dadwaynaha waxaanu dhawaan yaboohay in dhul loo iibiyo isaga oo usoo bandhigay ganacsatada iyo dadka awooda tabarucaadka.

Kuma koobna intan uun barnaamijyadan khayriga ah ee uu fuliyay sheekhu balse waxaynu sooqaadan doonaa barnaamijkii u danbeeyay ee uu sheekhu kaga dhawaaqay jimcihii todobaadkii hore oo ahaa barnaamij kor loogu qaadayay Arimaha GUURKA oo uu sheekhu balan qaaday in la isku guurin doono dhalinyarta aan awoodin isaga oo sheekhu kafaala qaaday kharajka ku baxaya meherka wiilka iyo gabadha is calmada.

Jimcihii 03/09/2015 ayaa sheekhu si rasmiya uga bilaabay barnaamijkan khayriga ah masjidka uu imaamka ka yahay ee ku yaala xaafada xawaadle waxaana halkaas la isugu guuriyay oo laisugu meheriyay wiil iyo gabadh Dhalin yaro ahaa oo aan awoodi karin kharashka ay jidaysay diinteena islaamku. Xafladwayn oo lagu qabtay masjidkaasi ayay kasoo qaybgaleen labeenta bulsho waynta somaliland oo dhamaantood ka mara kacay ahmiyada barnaamijkan oo ay ku sifeeyeen inu wax wayn katari doono macsiyada korna u qaadi doono qoysaska islaamka.

Sheekha oo goobtaa ka hadlay ayaa damaanad qaaday kharashka dhalinyarta aan awoodin inay is guursadaan.

Waxa kale oo sheekh Aadansiiro ku talaabsaday arin soo jiitay indhaha bulsho waynta reer somaliland isagoo sheekhu si adag uga damqaday hablo yar yar oo katirsan Xarunta Agoomaha oo iyagu ka heesayay xaflad si ay uga helaan aduun ay ku dabaraan baahiyahooda ku ka liyaysay ee aan haysan walid

Sheekh Aadan ayaa shan hablood oo goobta ka heesayay midkasta ugu deeqay kun dollar una soo jeediyay in ay ku shaqaystaan iskana daayaan heesaha.

Dhacdadan oo ay goobjoog u ahaayeen haldoorka bulshada somaliland ayaa iyana kamida dadaalada sheekhu ugu jiro buuxinta baahiyaha danyarta.

Si kastaba ha ahaatee sheekh Aaden siiro ayaa tusaale fiican u noqon doona GUUD ahaan Culimada soomaaliland oo ay haboon tahay inay kaga daydaan.

 

Qalinkii Yuusuf Jaamac Hirsi

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS