Shaqaalihii Duulistu Dabkay Foox Ku Riteen Hadii Laga Bedelay Maxamuud Xaashi oo Qaybyaalad iyo Eex kula Dhex Jiray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqaalihii Duulistu Dabkay Foox Ku Riteen Hadii Laga Bedelay Maxamuud Xaashi oo Qaybyaalad iyo Eex kula Dhex Jiray.
October 28, 2015 - Written by Editor:

Akhriste waxaan maqaalkan u soo qoray aniga oo xog ogaal u ahaa hab dhaqanka wasiir Maxamuud Xaashi ee  uu kula dhaqmi jiray shaqaalihiisa,iyadoo shalay laga bedelay wasaaradaasi ayaan jeclaystay in aan umadda u soo bandhigo hab dhaqankii foosha xumaa ee uu kula dhaqmi jiray shaqaalihiisa Maxamuud Xaashi Cabdi,wuxuu ahaa nin aad u qabyaalad badan oo horta meesha wuxuu ka dhigtay makhaayad uu isagu leeyahay oo wuxuu ka soo buuxiyey inamo yar yar oo uu adeer u wada yahay,weliba wuxuu u wada dhiibay xilal,isagoo ujeedadiisu tahay in uu xilalkaasi ugu sed buriyo,wuxuu shaqaalaha ku qasbay inay ammaanaan oo maalin kasta saxaafadda iyo baraha bulshada ku soo qoraan aamantiisa iyo wax qabadka beenta ah ee uu sheegto,shaqaalihii wuxuu daba dhigay inamo yar yar oo uu adeer u yahay oo shaqaalihii mid kasta way is qabsadeen oo marka ay ugu hanjabaan in wasiirka ay u sheegayaan sidaasi shaqada lagaga eryayo waxay u eekaadeen shaqaalihii qaar ka hoos shaqeeya meel gumaysi,runtii waa arin waaqici ah oo jirta cid kasta oo u kuur gashaana ay soo ogaanayso,hadaba  soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Booraan hadimo ha Qodin,Hadii Aad qodana Ha Hadheereyn ku dhici doontaaba Mooyee”.

Maxamuud Xaashi wuxuu iska dhigaa nin siyaasi ah oo khatar ah balse wuxuusan ogeyn maah maahda Soomaaliyeed ee tidhaahda“Baqal Fardo La Miratay Inay Ka Mid Tahaybay Is Moodaa”,runtii intaasi ayaa inagaga filan waxa dhabta ah ee uu yahay,marka akhriste noocaasi oo miidhan wasiir laga dhigo sow wasiiradii noqon maayaan Baruur Qudhuntay baa Baruuryo Qudhmisa,marka Maxamuud Xaashi ha ogaado meel kasta oo uu tego in uu yahay Gardarro ma guulaysato,ha ogaado Maxamuud Xaashi qabyaaladii iyo eexdii uu kula dhex jiray wax kale iska daayoo shaqaalihii uu isagu masuulka ka ahaa,hadaba dhibaatooyin uu soo gaadhsiiyey shaqaalihiisa ha ogaado inay tahay wax buuga ugu qoran,Soomaalida ayaa hore ugu maah maahday “Rag walaal wuxuu ku dhaamo la waa”.

Hadaba waxaa iyana is weydiin mudan sida uu Maxamuud Xaashi uga soo bixi karo wasaaradda miisaanka weyn eee Madaxtooyada oo ah wasaarad miisaan culus oo bar kulan u ah bulshada kala duwan ee Somaliland,waayo waa meesha lagaga xidhiidhay Madaxweynaha Dalka,inkasta oo ay iska cadahay in uu halkaasi ku fashilmayo waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ Meel aar ka kacay Atoor fadh-fadhiisay”,in badan ayuu guclo orad ugu jiray in Maxamuud Xaashi mar uu ku fadhiisto wasaaradaasi balse wuxuu ka dhigan yahay Geeloow geed walba daaqo markaad ciin daaqdaa lagu yaabaa,runtii waa nin noocaasi ah Maxamuud Xaashi waa halkii soomaalidu ka tidhi Riyuhu lugtooday solo ku doontaan.

La soco Xogo dheeraad ah iyo qaabkii maamulkiisa ee Wasaaradda Duulista

Qore: Axmed Cali Saalax

Email:axmedyare2@gmail.com

COMMENTS
LINKS