Salaadiinta Beesha Subeer Awal Oo La Filayo In Ay Si Adag uga Hadlaan Go’aan La’aanta Madaxwayne Siilaanyo Ee Haa Iyo Maya Da Saacaduhu U dhexeeyaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Salaadiinta Beesha Subeer Awal Oo La Filayo In Ay Si Adag uga Hadlaan Go’aan La’aanta Madaxwayne Siilaanyo Ee Haa Iyo Maya Da Saacaduhu U dhexeeyaan.
October 27, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Dhaqdhaqaqa Iyo Is Abaabulka Salaadiinta Beesha Subeer Awal  ayaa   Siwayn Looga Dareemayaa magaalooyinka Hargeisa,Gabiley ,Berbera sidoo kale wararka aanu ka helayno ayaa  sheegay in ay ka Hadli doonaan Xaalada Jaho Wareerka ah ee uu Dalku galisay  Go”aan la”aanta Madaxwayne Siiraanyo ee Haa iyo Maya Meel uu kawada odhanayo waxanay Salaadiinta Beesha Subeer Awall sheegeen in iyagoo u Damqanaya Dadka Dalka iyo Dawladnimada Qaranka S/land ay si Mug oo Miisaanleh uga hadli doonaan iyagoo Gudanaya Waajibka ka Saaran Ilaalinta Xasiloonida iyo Dawladnimada Qaranka S/land

Salaadiinta Beesha Subeer Awall oo Bilahan u Danbeeyay aad uga Warhayay Xaalada Cakiran ee uu Dalku sii Galayo  iyo Kala Danbayntii oo Faraha ka sii baxaysa ayaa  Iscasilaada Masuuliyiinta Labaatanka Kor u Dhaafay ee Iska Casiley Xilalkii ay ka hayeen Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ku sheegay  in Dhacdadani ay Qaranka S/land Ugub ku tahay horena aanay Dalka uga dhicin Sidoo kale Salaadiinta Beesha Subeer Awall oo intii Karaankooda ahayd ku Waanisay kana hadashay in Dalka iyo Dawladaba loo Tudho  ayaa Sheegay in  Masuuliyiinta Iska Casilay Xilalkii ay ka hayeen Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ay ka Marag Fureen  Dhaliishii Badnayd ee ay Warbaahinta u Mariyeen Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyagoo Salaadiinta Beesha Subeer Awall  Wacad ku Maray in ay si Adag uga Hadli Doonaan Xaalada Qalafsan ee Madaxwayne Siiraanyo Dalka Galiyay

Sidoo kale Salaadiinta Beesha Subeer Awal waxay sheegeen in ay ILL Waayeel ku Eegayaan Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo Jawiga uu ku Dhamaan doono iyagoo ka Warwarsan Dhawaaqyada ka soo yeedhaya Murashixiinta Xisbiga Kulmiye ee Cadaalad Darada ka Cabanayaan Marka laga Reebo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Awoodii Gacantiisa ku Jirto .

SUBEER AWAL

Ugu Danbayn Salaadiinta Beesha Subeer Awall Ayaa lafilayaa   in maalmahan ay ka Xaaladan Qalafsan iyo Jaho Wareerka Siyaasadeed ee ay Dalka Galisay GO’AAN LA’AANTA IYO HAA IYO MAYA UU MADAL KA WADA MAALMO GUDAHOOD KA WADA ODHANAYO .

Dhanka kale bulsho waynta somaliland ayaa lasaadaalinayaa in ay dhawaaqyo kala duwan ka bixiyaan jaho wareerka siyaasadeed ee ay ka muuqato xildasho la,aan soo waajahday madaxwaynse siilaanyo oo xiligan awoodiisii ay si khaldan u isticmaalayaan hubno kamida qoyskiisa.

HARGAYSA OFFICE

WAJALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS