Sagaal Qof Oo Ku Dhimatay Weerar Nin Ku Qaaday Iskuul Maraykanka Ku Yaala | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sagaal Qof Oo Ku Dhimatay Weerar Nin Ku Qaaday Iskuul Maraykanka Ku Yaala
October 2, 2015 - Written by Editor:

Washington(Wajaalenews) – Nin hubeysan ayaa machad ku yaala gobolka Oregon ee dalka mareykanka ku toogtay sagaal qof. Toddobo qof oo kale ayaa laga daweynayaa dhaawacyo ka soo gaadhay toogashadaasi.

weerarkii

Booliska ayaa sheegaya in ninka weerarkaasi geystay isagana toogasho lagu dilay. Warbaahinta mareykanka ayaa ku magacaabay ninkaasi Chris Harper Mercer oo 26 jir ah. waxaanu fasal ka mid ah koolajka Umpqua Community College ku furay rasaas isagoo kadibna qaybaha kale ee Iskuulka rasaaseeyay sida ay goobjoogeyaal saxaafadda u sheegeen.

Mid ka mid ah ardaydii machadkaasi ayaa wargays ka soo baxa gobolkaasi u sheegay in ninka weerarka gaystay uu dadka weydiinayay diintooda ka hor inta aanu rasaas ku furin. Munaasabado duco ah oo shumacyo la shidayo ayaa loo sameeyay dadkii ku dhintay weerarkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa mar kale ku baaqay in la sameeyo sharci cusub oo lagu xakameynayo hubka dalkaasi mareykanka. Waxa uu sheegay in duco loo duceeyo dadkii ku dhintay dhacdadaasi aanay ahayn mid ku filan si looga hortago weeraradan oo kale.

 

COMMENTS
LINKS