Qaramada Midoobay oo shaacisay inay wadaan Qorshe Somaliland qeyb kaga noqoto doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay oo shaacisay inay wadaan Qorshe Somaliland qeyb kaga noqoto doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka
October 29, 2015 - Written by Editor:

Qaramada Midoobay oo shaacisay ujeeddooyinka kulan dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen Ankara iyo mawqifkeeda Sool iyo Sanaag

“Haa way jirtay arrintaasi, mar kale ayey dib ii casuumeen Somaliland, waxaan xidhiidh wanaagsan leenahay Masuuliyiinta…” Danjire Nikolas Kay

Nairobi,(Wajaalenews)- Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Danjire Nikolas Kay, ayaa shaaca ka qaaday inay socdaan tallaabooyin loo qaaday sidii Somaliland qeyb uga noqon lahayd doorashooyinka sannadka dambe ee 2016-ka la qorsheeyey inay ka dhacaan dalka Soomaaliya.

NICHOLAS-KAY

Danjire Kay, ayaa sheegay inkastoo Somaliland gaashaanka ku dhufatay inay qeyb ka ahaato Soomaaliya, haddana dhinaca kale ay ku dedaalayaan sidii xubno ka tirsan Bulshada Somaliland qeyb uga ahaan lahaayeen Baarlamaanka laga dooran doono Soomaaliya sannadka dambe, sidii hore u dhacday.

Mr. Kay oo ka jawaabayey Wareysi Telefishanka Universal iyo Warbaahin kale la yeesheen, ayaa su’aalihii lagu weydiiyey ay ka mid ahayd; Madaxweynaha Soomaaliya dhawaan waxa uu sheegay in shirkii wada-tashiga hiigsiga 2016 ee Muqdisho ay ka soo qeybgaleen dhammaan bulshada Soomaaliyeed, balse aanay ku jirin xubno ka soo jeeda Somaliland iyo siduu u arko.

Waxaanu Nikolas Kay kaga jawaabay su’aashaas; “Dhabtii sidaad la socoto, xaaladda siyaasadeed way adag tahay, Shacabka iyo Xukuumada Somaliland waxay u dhaqmaan oo aamminsan yihiin inay gaar ka yihiin Soomaaliya, waxaan aamminsanahay in albaabbadu u furnaan doonaan weligeed, sidii dhacday doorashadii Baarlamaanka u dambeeyey oo dad Bulshada metelayey ka qebgaleen, laakiin Somaliland waxay qaateen inaanay qeyb ka noqon.”

Mar la weydiiyey Kay inay jiraan tallaabooyin ay u qaadeen sidii Somaliland qeyb uga ahaan lahayd ayuu ku jawaabay; “Sidaad la socoto waxa jira tallaabooyin dhinacaas ay u qaadayaan dalka Turkigu, sida dhawaan dhinacyo ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya kulamo ugu yeesheen Istanbul, waxaan qabaa tallaabooyinkaasi inay abuurayaan kalsooni, isfaham iyo iskaashi dhexmarta, waana talaabo muhiim ah.”

Ergeyga Jimciyadda Quruumaka ka dhaxaysay Madaxda uga ah Xafiiska qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Nikolas Kay oo ka hadlayey arrimaha gobollada Sool iyo Sanaag, waxaa uu sheegay in Somaliland, Puntland iyo Kooxda Khaatumo ka wadahadlaan waxaanu yidhi; “Waa arrin u baahan in xal loo helo, waad ogtahay in dadka ku nool gobollada Sool iyo Sanaag ku kala qeybsan yihiin xagga fikirka siyaasadda. Dadka qaar waxay aamminsan yihiin inay ka tirsan yihiin Somaliland, qaarna Puntland, qaar kale Maamulka Khaatumo. Markaa, Qaramada Midoobay waxay marwalba ku dhiirrigelinaysaa Somaliland, Puntland iyo Khaatumo inay xal siyaasadeed u helaan waxwalba oo lagu kala fikir duwan yahay, balse aan lagu xalin awood iyo dagaal.”

 

Mar uu ka jawaabayey Mr. Kay, maaddaama oo uu hore Somaliland uga mamnuucday imaatinka dalkooda, waxa is-beddelay iyo xidhiidhkiisa xilligan, waxa uu yidhi; “Haa way jirtay arrintaasi, mar kale ayey dib ii casuumeen Somaliland, waxaan xidhiidh wanaagsan leenahay Masuuliyiinta Hargeysa. Waxay garteen Somaliland in xidhiidhkaasi uu sii adkaado, oo aan ka wada shaqeyno arrimo badan.”

Hadalkan, ayaa ku soo beegmaya xilli Wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirkii hore Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi wada-xaajoodyo ku saabsan Maamulka Hawada kula soo yeesheen dhiggooda Soomaaliya, sida uu Saxaafadda hore ugu sheegay, inkastoo Mr. Kay ku tilmaamay inuu ujeedo kala lahaa kulankaas labada dhinac ku yeesheen magaalada Ankara ee Caasimadda waddanka Turkiga.

COMMENTS
LINKS