|
|||||
WAJAALE NEWS
Natiijada Shir Taabacsan Musharraxiin Huwan Ah Oo Xalay Ka Dhacay Hargeysa Iyo Ergo Niyad-jabsan Oo Madaxweyne Ku Xigeenka Ka Magan-gashay Dhoolla-tuska Muuse Biixi
October 15, 2015 - Written by Editor:GUDAHA KA AKHRI: Tirada iyo Magacyada Wasiirro, Wasiir—ku-xigeenno, Xildhibaanno iyo Kaadiriin KULMIYE Ah Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi Iyo Xildhibaan Kijaandhe Oo Meel Isugu Keenay Xalay Dhowr iyo Labaatan Xubnood Oo Kamid Ah Guddida Fulinta ee KULMIYE iyo Shir Xalay Loo Ballansanaa In Mowqif Midaysan Kasoo Saaraan’ Hargeysa (Wajaalenews/Hubaal)- qaar kamid ah musharraxiinta huwanta ah ee Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kula loollamaya doorashada musharraxa madaxweynaha ee golaha dhexe ee xisbigu dhawaan ku dooran doonaan shirka shanaad ee golaha dhexe ayaa habeenkii xalay ku kala kacay shir doceed albaabadu u xidhan yahay oo ay isugu yimaadeen Hotel-ka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Shirkan oo xubnaha ka qayb galay ay tiradoodu dhamayd 25 xubnood isla markaana ay soo abaabuleen wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda Maxamed Biixi Yoonis, iyo wasiirkii hore ee wasaaradda maalliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, iyo waliba Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe kuwaas oo inta la ogyahay ah musharraxiin u taagan doorashada madaxweynaha ee shirka golaha dhexe ayaa waxaa xubno madasha fadhiyey ay isugu jireen wasiirro, wasiir ku xigeenno, xildhibaanno iyo kaadiriin ka tirsan xisbiga. Goob joogayaal ka ag dhawaa shirkaas una dhuun daloola dhaqdhaqaaqa xubnahan ayaa wargeyska HUBAAL u sheegay in ujeedad shirkan oo daba socotay dhawr arrimood oo ku qotoma hawlaha hoggaanka xisbigu ku foogan yahay ay ujeedadiisa ugu weyni ahayd mid ka dhalatay dhawaaqii lagu wargeliyey xubnaha golaha dhexe ee xisbigu in ay u diyaar garoobaan shirka isla markanaana xarunta xisbiga keennaan sawirradooda si loogu sameeyo aqoonsiyadooda.kaadiriinta kulmiye Sababta dhalisay shirkan iyo ergo ka horeysay? Abaaro cawayskii hore ee habeenkii xalay ayaa 25 xubnood oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbigu ay isugu yimaadeen hotelka Maansoor kadib markii ay quus ka muujiyeen ergo ay xubnahani ula tageen madaxtooyada iyaga oo ka magansaday in laga xakameeyo guddoomiyaha xisbiga oo isku dubaritay qabanqaabadii shirka shanaad ee xisbiga kaas oo ay sheegeen in uu muquuniyeyo awoodooda. Waxaana warku sheegayaa in kulankaas hore ee subaxnimadii oo ay la yeesheen madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha, ay kaga dalbadeen in qabanqaabada shirka iyo hawlihiisa loo xil saaro guddi ka madax banaan guddoomiye Muuse oo ay goobjoogayaasha warkan u tibaaxay HUBAAL kasoo wariyeen garabkan mid cududiisa dhoollatusku u quus goysay. Ergada ay garabkani ugu tageen madaxweyne Saylici oo ay xubno ay ka ahaayeen wasiirka arrimaha dibeda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee maalliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, guddoomiye ku xigeennada labaad iyo saddexaad ee xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa warku sheegayaa in Md. Saylici uu dhinaciisa u qaddimay mawqifka uu ka taagan yahay dhaqdhaqaaqa guddoomiyaha KULMIYE kaasi oo uu sheegay in ay yahay awooddo uu xeerka xisbigu u banaynayo in uu ku maamulo kuna diyaariyo shirka golaha dhexe, sidaaasi darteedna aanay meeli uga banaanayn madaxtooyo ahaan faro gelinta hawlahaas, waxaa kale oo uu u sheegay in xubnaha golaha dhexe ee uu gudodomiye Muuse isugu yeedhay ay yihiin xubnihii ay garab ahaan ergadu gacantooda ku soo xushay dabayaaqadii shiweynihii xisbiga. Falcelinta Garabkan Shirka xalay ka dhacay xarunta Maansoor ayaa la weriyey in uu shir guddoominayay wasiirkii hore ee maalliyadu iyada oo ay madasha fadhiyeen xubno kale oo maamuus ahaan iyo mansab ahaanba uga mudnaa guddoomintiisa, waxaana intii shirku socday lagaga wada hadlay tallaabada ku haboon ee garabkoodu ay ku dhabqin karaan dhaqdhaqaaqa iyo qabanqaabada hoggaanka xisbigu isugu duba ridayo shirka golaha dhexe oo bar bilowgiisu bilaabmayo Sabtida sahan-dembe, hase ahaatee fikirkaas oo qaar kamid ah ka qayb galayaashii shirku soo jeediyeen ayaa waxaa aqlabiyad ku diiday xubnihii madasha fadhiyey oo muujiyey in uu yahay mid dhaawacaya cududooda isla markaana libta siinaya garabka kale. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in badankoodu ay isku raaceen in laga dhur sugo tallaabada ay madaxtooyadu ka qaaddo ergadooda oo maanta ahaan loo qorsheeyey in mar kale ay u tagaan madaxweyne ku xigeenka. Warbaahinta oo iyadu intii aan shirku bilaabmin la dalbaday si ay u baahiyaan shir qorsheysnaa in warbaahinta loo qabto oo ay ku shaacinayeen mawqifkooda ay ku sugnaayeen dibada hoolka shirku ka dhacayay, iyaga oo ka dhur sugayay go’;aamada ay soo saari doonaan. Hase ahaatee suxufiyiinta oo muddo saacado ah dibada ku sugaysay natiijada shirkan ayaa markii dembe loo sheegay in uu dib u dhacay shirkii loo ballansanaa in ay ka duubaan isla markaana lala soo hadli doono maanta ahaa, sidaasina ay raalli ku ahaadaan oo ay iskaga tagaan. Midabadii xubnaha iyo dareenkii xalay. Goob joogayaal ku sugnaa barxadda hore ee Maansoor Hotel oo markaas uu ay isugu soo baxeen xubnaha shirku u socday ayaa Hubaal u sheegay in wejiyadooda laga dheehanayay kala duwanaan xagga fikirka ah, kaasi oo muujinayay derbi adag oo kaga soo dumay dhinaca guddoomiyaha xisbiga, oo isagu u muuqda mid ka dareersaday taageerayaal door ah oo ay is bidayeen in ay gacanta ku haystaan. Fikirka iyo mabda’a garabkan ayaa ilo wareedyadu intaa ku darayaan in uu u muuqdo mid col hortii jabay oo werweriyo kalsooni ku beeray bar dhammaadka ciyaarta siyaasadeed ee u bilaabmi doonta labada dhinac. Magacyada 24-ka Xubnood ee ka qayb galay shirkan iyo abaabuleyaashooda Wasiirrada iyo Wasiir ku xigeennada Maxamed Biixi Yoonis Xuseen Axmed Caydiid Cabdirisaaq Khaliif Axmed Cali Siciid Reygal Cabdi Aw DAahir Cali Maxamed Muuse Abees Cali Cabdi Saa’iq Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Bashiir Cabdi Xariir Nimco Xuseen Qawdhan Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax Xildhibaan Dable Xildhibaan Siciid Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel Xildhibaan Cabdillaahi Ballaaki Xildhibaan Kijaandhe Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Agaasimeyaasha Dawladda Agaasimaha Solnac Cabdikariim Xinif Agaasimaha wasaaradda Beeraha Xubnaha kale ee aan xilalka hayn Cabdicasiis Maxamed Samaale Abiib Diiriye Nuur Cabdillaahi Cismaan Geel jire Axmed Cabdi Shaqalle oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhammaantood ka tirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE. Xigasho hubaal COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|