|
|||||
WAJAALE NEWS
Muuse Biixi Oo Ku Ololaynaya In La Eryi Doono Wasiirrada Iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Ean Isaga Taageersanayn
October 8, 2015 - Written by Editor:Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Ka mid ah xubnaha u tartamaya Murashaxnimada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye ee lagu dooran doono shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo la qaban doono 10-ka bisha November ee fooda innagu soo haysa, ayaa bilaaby inuu magaca iyo aawooda Madaxweynaha JSL si khiyaamo iyo dhabcaalnimo ah ugu adeegsado ololihiisa gaarka ah ee uu ku doonayo inuu ku kasbado codadka iyo taageerada xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo uu ogaaday inaanu aqlabiyadooda wax taageero iyo kalsooni ah ka haysanin. Warkan oo ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan xildhibaanada Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ka cudur daartay in magacooda la shaaciyo ayaa waxa uu intaas raaciyey in Muuse Biixi dhawrkii maalmood u dambeeyey ololihiisa u adeegsanayey qoddobo ka mid ah awoodaha Madaxweynaha oo aanay isaga iyo cid kale toona samayn Karin. Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu xubnaha uu codka ka doonayo ugu baanayaa in uu xilal Wasiirnimo, Wasiir Ku xigeenno iyo agaasimeyaasha guud ee aan isaga la socon madaxweynuhu dhawaan xilka ka qaadi doono isla markaana ku bedali doono xubno ka mid ah taageereyaashiisa. Muuse Biixi waxa uu ergada Golaha Dhexe la kulmayaa isagoo wata xubno ka mid ah xildhibaanadda iyo dadka ku ag –dhow qoyska madaxweynaha kuwaasi oo ku badhi taaraya inay xisbiga ku dhex faafiyaan tibaaxo been ah oo la xidhiidha in cidii la shaqayn wayda Guddoomiyaha KULMIYE xilalka laga qaadi doono. Related posts:DAAWO ;Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Ku Dhawaaqay In Xadiga kiisaska kufsigu kor uga kaceen Dal... Daawo:Ciyaar ay Qayb Ka Yihiin Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Loogu Qaadhaan Ururinayo Abaaraha Oo L... Daawo:Abwaan Hure Walanwal Oo Ka Hadlay Boobka Loo Gaystay Danta Guud Iyo Saamaynta Sixirbararka COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|